Saturday “18” September “2021” Muqdisho
Duulimaadkii Shirkadda Turkish Airlines oo Muqdisho gaaray iyada oo aanu lasocon fahad yaasiin
Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines ayaa dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtey magaalada Muqdisho kadib markii shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti.
Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.
Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.
Dowladda Jabuti ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan dadkii saarnaa dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkani ka yimid.
Maalintii shalay ahayd diyaarad Turkish ah oo uu saarnaa rakaab uu ka mid ahaa agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir islamarkaana markeedii hore kasoo ambabaxday Istanbul ee dalka Turkiga oo uu qorshaheedu ahaa in ay kasoo dagto garoonka Muqdisho ee aadan Cadde ayaa ku degtay garoonka diyaaradaha ee dalka DJibouti, iyadoo diyaaradaasi ay muddo saacado ah ku xayirneed garoonka dalkaasi.
Sababta ayaa lagu sheegay markii hore in diyaarada ay cilad ku timid markii dambena waxaa la sheegay in uu bukooday duuliyihii diyaarada Turkish Airline, iyadoo Sidookale wararka qaar ay sheegayaan in diyaarada ay gudaha u galeen Ciidamo ka tirsan Kuwa Booliska Jabuuti kadibna ay lasoo dageen Fahad Yaasiin oo uu madaxweynaha Waqtiga ka dhammaaday u magacaabay dhawaan Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha JFS.
Intaa kadib waxaa go,aan lagu gaaray in dhammaan rakaabkii saarnaa diyaarada Turkish dib loogu celiyo Istanbul, maadama uu is qabqabsi uu ka dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ka mid ahaa rakaabka diyaarada iyo Sara壯陽藥 akiil la socotay.
Dhinaca kale, waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee muqdisho soo caga dhigatay diyaaradii Turkish, kadib markii duulimaadkii shalay oo uu saarnaa agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, taas oo lagu hakiyay saacado dalka Jabuuti islamarkaana dibna loogu celiyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Shirkii uu ku baaqay Farm sank oo fashilmay
Weli waxaa si rasmi ah aan u furmin shirka golaha amniga qaranka oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu iclaamiyay in uu maanta qabsoomo, iyadoo uu shirkaani uu codsaday in la qabto Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin si uu goluhu warbixin ugu siiyo Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta Hay’adda NISA sida ay sheegeen Qoyskeeda Ikraan