3″ May-2024

Doorka warbaahinta Africa ay ka qaadan karto Barwaaqeeynta qaaraddeena iyo bixinta Abaalmarinta Warbaahinta 2024 ta oo la eegayo faafinta macluumaadka qiimaha leh ee u adeega bulshada
Nairobi ayaa Martgalin doonto Shirweynaha Hogaamiyayaasha Warbaahinta Africa oo lagu wado in uu qabsoomo 8 May.
Shirkan ayaa kulminaya hogaamiyayaasha warbaahinta Afrika (Madaxda, Agaasimayaasha Maamulka & Tifaftirayaasha guud), siyaasad-dejiyayaal, hawl-wadeenno, aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaasha ururada u ololeeya kobaca horumarka Afrika May 8-10, 2024 si looga hadlo Dib-u-habaynta Warbaahinta Afrika .
Kulanka ayaa waxaa qayb ka ah daabacaadda sanadkan, AllAfrica Media bandhigi Abaalmarinta Wanaajinta Warbaahinta 2024 ta Iyadoo la eegayo faafinta macluumaadka qiimaha leh ee u adeega si loo ogeysiiyo dadweynaha iyo la xisaabtanka madaxda.”
“Waxaan aaminsanahay in u dabaaldegida heerka sare ee warbaahinta iyo horumarinta Afrika ay tahay muhiimadda ugu weyn si loo xaqiijiyo sii wadida saxafiyiinta tayada sare leh iyo wax ku biirinta barwaaqada qaaraddeena.” Said Amadou Mahtar Ba, Aasaasaha & Guddoomiyaha Fulinta ee AllAfrica.
“Wuxuu ku casuumay hogaamiyayaasha Afrika inay sare u qaadaan “Doorka muhiimka ah ee warbaahinta si loo hormariyo horumarka A壯陽藥 frika ee qaybaha oo dhan iyada oo loo marayo ayuu raaciyay hadalkiisa Said Amadou Mahtar Ba, Aasaasaha & Guddoomiyaha Fulinta ee AllAfrica.
