28″ January “2023” Laascaanood
Shirka ayaa waxaa inta uu socdo diirada lagu saarayaa oo looga hadli doonaa masiirka magaalada Laascaanood iyo sidii ciidamadda Somaliland ay isaga bixi lahaayeen magaaladan oo shacabka ay u sameysan lahaayeen maamul iyaga u gooniya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya oo howlka ku sugan Hoggaanka Isimada Dhaqanka ee ugu sarreeya Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee (SSC) iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana shirweynaha lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka goboladaasi.
Madax dhaqameedka ku sugan Laasacaanood, ayaa diiddan kamid ahaanshaha Maamulka Somaliland, oo magaaladaas xukumaysay 15-kii sano ee la soo dhaafay.
Si kastaba, Shirkan ayaa ka dhashay kacdoonka ay sameynayeen shacabka magalada oo ka carooday dilalka xarkaga goostay ee Laascaanood loogu geysanayo haldoorka magaalada, waxaana magaaladaasi hareeyay dibadbaxyo waaweyn oo muddo socday, Ammaanka Laascaanood ayaa waxaa uu yahay maanta mid siweyn loo adkeeyay.
Shirweynaha Aaya-ka-tashiga Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ee (SSC) ayaa Maanta oo sabti ah si rasmi uga furmay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana shirkaas qaban-qaabadiisa ay maalmihii lasoo dhaafay ka socotay magaalada.