Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

23″ January “2023” Muqdisho”

Shirweynaha Culumada Soomaaliyeed oo ka furmay magaalada Muqdisho Dheeho.com

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ooy isugu yimaadaan culumaa,udiinka soomaalida tan iyo markii uu dalku xornimadiisa ka qaatay gumeysigii talyaaniga ayaa waxaa furay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Madaxweynaha ayaa culumada ku booriyay in ay sameeystaan hayadd sharci oo looga danbeeyo. wixii ku saabsan diinteena Islaamka iyo in ay isla keel dhigaan  doorka ay ku leeyihiin ka hortagga fikirka xagjirka ah ee ‘Khawaarij’Shabaab,

Culumadii shirka ka hadashay ayaa sidoo kale muujiyay sida ay u garab taagan yihiin baaqii Madaxweyne Xasan Shiikh ee ahaa in laga adkaado argagixisada caalamiga ah ee #Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in culimada Soomaaliyeed looga baahanyahay in shacabka ay u sheegaan waxa ay diinta Islaamku ka qabto fikirka iyo dhaqanka Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayay shirka culimada Soomaaliyeed ayaa markii uu hadalkaan jeedinayay waxaa garab taagnaa wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Xasan Sheekh ayaa culimada ku booriyay in si mideysan loogu bayaaniyo shacabka halka diintu ay ka taagantahay Al-shabaab, maadama diintu ay tahay halka laga toosin karo dadka.

Wuxuu intaa ku daray in hadda la isku raacsanyahay in Shabaab ay dhib ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

Shirkan culimada ee Muqdisho ka furmay ayaa imaanaya xilli dowladda iyo shacabka deegaannada qaar ay wadaan howgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasi oo soo bilowday qaybihii dambe ee sanadkii la soo dhaafay.

Leave a Reply