Daawo : Reysilwasaare Xamsa oo Soo Xiray Shirweynaha Madasha Magan ee Muqdisho  

20″ Aig” 204-25

Shirka Madasha Magan Forum oo ka socda Muqdisho.kulankaan, ayaa ah mid lagu soo bandhiggi doono sida ay iskaga kaashan lahaayeen,Ganacsatada iyo Dowladda in la hormariyo hormarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige “Canshuur bixintu waxay door ka qaadataa iskaashiga dowladda iyo Ganasatada si loo gaaro hormar guud,Qiimo Jabanna loogu helo Korontada, Caafimaadka iyo Waxbarashada”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxmuud cabdikarin Gabeyre “Waa in Iskaashigaan dhaqaalaha ka yimaada lagu dhisaa Goobaha Danta guud sida Waxbarshada, Caafimadka iyo Warshadaha dalka.”

Bulashada horumarka qeyb waa inay ka noqotaa, dalkasto dadkooda ayaa dhistaan,Marka Soomaaliya dadkeeda ayay sugaysaa inay hormariyaan,Oo ay tusaan adduunka sida ay iskugu filan yihiin.

Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif “Waa in muhiimad weyn la siiyaa shaqaalaha Caafimaadka ka shaqeeya oo aysan sugin gacan aan aheyn mid dowladdeena iyo mid shacab.”

Shaqaalaha Caafimaadka waa kuwo halbowle u ah, Howlaha Caafimaad oo ay bulshadeena u baahan yihiin,Madaama ay inoo qabtaan shaqo mudan in lagu dhiirragaliyo,waa inaan bixinaa bilashooda.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa “Waan inaan u Diyaar-garownaa Iskaashi dhexmaraya Ganacsatada iyo Dowlada Soomaaliyeed oo wax badan ku soo gordhin doono dalka.”