Shirweyne Maanta Ka Furmay Magaalada Garoowe Iyo Wufuud Ka Qeyb Galeysa

30″ Jan” 2022″ Garoowe

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ka furmay Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, Shirkan ayaa gundhig u ah Dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH).

Shirka ayaa socon doona mu壯陽藥 ddo 3 cisho, waxaana ka qeybgalaya Shirka dhammaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hogaaminayso Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka xilgaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa bogaadisay in Shirweynahu sanadkaan ka dhaco Garoowe Puntland, Dr. Jaamac  Faarax Xasan,

Wasiir Fowsiya Abiikar ayaa shirka ka jeedisay khudbad ku saabsan muhimadda ay Cilmibaadihstu u leedahay horumarinta Caafimaadka dalka, iyadoo codsatay in Hay’aduhu diirada saaraan, isla markaasna dhaqaalo gaar ah ugu talagalaan xoojinta Cilmi baadhista ku aadan caafimaadka.

Wasiir Dr. Fawziya Abiikar Nur ayaa ugu danbeyntii u mahadcelisay dhammaan kasoo qeybgalayaasha Shirweynaha, iyadoo sii gaarana ugu mahadcelisay Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO), AFENET, Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee  (SHAJ).

Leave a Reply