29″‘July 2021″ London
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Britain Boris Johnson kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada waddan ,arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka
Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labadeenna waddan, arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka, horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka. Britain waxay ku jirtaa saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna” ayuu ku yiri RW Rooble Qoraal uu soo saaray.
Kulanka ayaa waxaa Ra’isul Wasaare Rooble ku weheliyay Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Waxbarashada, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Shirka Caalamiga Waxbarshada ee London.ooble la kulmin dhoti is a dalka Britain waxaa uu ka qaybgalay Shiweynaha arimaha waxbarashada oo lagu qabtay london
R/Rooble oo london uga qaybgalay Shirweynaha arimaha waxbarashada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada london ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.
Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Arrimaha waxbarashada iyo dhalinyarada iyo sidoo kale sidii horay loogu socon lahaa maadaama Cudurka Coronavirus uu saameeyay waxbarashada Adduunka.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu shirkaasi ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada waxbarashada Soomaaliya, mid doorashooyink犀利士 a iyo baahiyaha Guud ee xilligan kajira Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada london kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda & Ra’iisul Wasaaraha ingiriiska, isla markaana uu kala hadli doono marxalada doorasho ee lagu jiro.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filaya ain uu si deg deg ah ugu soo laabto Magaalada Muqdisho maadaama uu horkacayo howlaha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka bilaabanaya.