Somalia oo La Soo Saaray Jawalka Shuruudaha Doorashada Musharaxiinta Labada Aqal Iyo Ergooyinka “

Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaaadir ayaa soo saaray jadwalka iyo habraaca doorashoyinka Soomaaliya iyo waliba shurudaha laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ergooyinka soo dooranayso.

Hoos Ka Akhriso Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:

In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

Dhimirkiisu u dhan yahay

Da’diisu ka yarayn 25 sano

Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.

Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.

In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Sidoo kale waxaa la soo saaray shuruudaha ergada soo dooranayso xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliyeed.

1- In uu yahay Soomaali, kana tirsan yahay beesha kursiga ku heshay nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

2- In da’adiisu uusan ka yareyn 18 sano

3- In miyirkiisu caafimaad qabo, uuna awood u leeyahay in uu codayn karo

4- In uu fahansan yahay mas’uuliyadda doorashada

5- In uusan musharax u ahayn Labada Aqal midkoodna

6- In aysan maxkamadi ku ridin xukun kama danbeys ah ee fal dembiyeed lagu muteysanayo xabsi shanti sano ee ugu dambeysay.

7- In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

8- In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisad

Leave a Reply