Xiisadda Puntland ee la xiriirta doorashada muranku hareeyay ayaa cirka isku sii shareertay iyadoo ay jirto xaalad cabsi !!

Xaaladda Puntland ee la xiriirta doorashada khilaafka hareeyay ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii musharraxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynimada Puntland ay gaashaanka u daruureen inaysan liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Puntland aqoonsanayn.

Musharaxiinta mucaaradka oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa waxay been abuur ku tilmaameen liiska soo baxay, iyaga oo isla markaana sheegay in xulista xildhibaannada aysan marin habraacyadii rasmiga ahaa, ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbin araajidii saxda aheyd.

“Musharaxiinta waxay shacabka Puntland u cadeynayaan in aysan aqoonsaneyn liiska baalmarsan habraacii lagu soo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiillada,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay musharaxiinta mucaaradka Puntland.

Xasan Shire Abgaal oo ka mid ah musharraxiinta qaaddacay liiska xildhibaannada cusub oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in bayaankooda diiradda lagu saaray go’aankii Madaxaweyne Deni.

“Wuxuu bayaankan daba socday wixii uu xalay sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Siciid Cabdullaahi Deni guddigii uu magacaabay inuu liis u keeno isagu wato oo uu ka booday liiska isimada uu boqorka ku jiro marka dhibaatadaas uu sameeyay ayaa laga digayay oo aan sidaas doorasho lagu geli karin,” ayuu yiri Xasan Shire Abgaal.

“Xasan oo BBC-du weydiisay sida ay ku xaqiijiyeen in madaxweyne Deni uu la yimaaday liis aan ahayn liiskii ay isimada gugbiyeen ayaa yiri: Waxaan ku xaqiijinnay waa tan koowaade guddoomiyihii guddiga oo diiday inuu waxaas saxiixo oo ka baxay ka dib markii shir jeraa’id uu qabtay, tan kale waxaa saxiixooda la tuuray Boqorka iyo Beeldaajaha waxaa kaloo saxiixiisa la tuuray Suldaanka, lama tirin karo inta isin oo Garowe jooga oo soo jireen ah saxiixooda Siciid tuuray.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in doorasho aan la isla ogeyn aysan dhaceyn sidoo kalana qof isinkiisu qeylinaya oo dhahaya aniga ma keenina dhaartiisu waxba taraynin.

“Ma dhaceyso doorasho aan la iska oggoleyn oo horay baanu u sheegnay haddaan sheegeynaa mana dhici doonto, qofka keligiis wuxuu damcana Puntland ka dhici mayso.”

Xayeeysii

Maxaa tallaabo ah oo ay qaadanayaan?

Xasan Shire ayaa sheegay inaysan sharci ahayn oo ay isimada joogaan.

“Sharci ma ahan oo isimadii baa jooga, odayaashii hore oo reer Puntland oo soo jireen ah baa jooga, madaxweynayaashii iyo raysal wasaarayaashii hore baa jooga, dadkii oo dhan baa jooga, meeshaan dhaqan ayay lahayd waxaana dhaqankeedii ahayna kama soconayaan.”

Maxay yihiin ciidamada magaalada Garowe soo galay?

Xasan Shire Abgaal
Qoraalka sawirka,Xasan Shire oo ka jawaabaya su’aashaas oo ay BBC-du weydiisay ayaa sheegay in ciidanka magaalada Garowe soo galay ay yihiin ciidamada dowladda oo diiddan go’aanka Deni.

Xasan Shire oo ka jawaabaya su’aashaas oo ay BBC-du weydiisay ayaa sheegay in ciidanka magaalada Garowe soo galay ay yihiin ciidamada dowladda oo diiddan go’aanka Deni.

“Sideeduba dhammaan ciidankii dowladda oo dhan baa waxaa diiddan oo ma sameeynayaan hal qof waxa uu rabo mana jiraan ciidan kale oo dibadda kaga yimid waxaana kuu sheegayaa in ciidamadan yihiin ciidamada dowladda oo saluugsan waxa Deni wado,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamada mucaaradku wato ay yihiin kuwa dowladda oo aysan jirin ciidan kale xitaa kuwa isaga la socdo.

Waxaan isku daynay dhanka dowladda inaan ka helno jawaab la xiriirta arrinta balse wax jawaab ah kama aanan helin.

Puntland xaggee uga dhaqaaqaysaa Balkan ayjoogto Iyadoo Siciid Dani uu Soo Dhaweeyay Dhaarinta ?

"Qof isinkiisu qeylinaya oo dhahaya aniga ma keenin dhaartiisu waxba taraynin."

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Xayeeysiis

Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay soo xulista xildhibaanada cusub, kadib markii ay qaadaceen xubnaha mucaaradka maamulkaas

Waxaa jira walaac laga qabo inay xaaladda sii cakiranto. Dadka wax falanqeeya ayaa sheegay in xaaladda taagan ay tahay xaalad khatar ah.

“Waa xaalad khatar ah oo kala goys ah oo runtii u baahan in la dedaalo nabaddana la ilaaliyo laakiin arrinta ugu weyn ayaa waxay tahay qaabka soo xulista oo saameyn weyn leh waxa hadda taagan arrinta ugu muhiimsan oo meeshaan looga dhaqaaqi karana waxay ila tahay in laga shaqeeyo nabadda oo madaxweynaha iyo kooxdiisa ay soo fariistaan oo ay talada dadka wax uga oggolaadaan waxyaabaha khaldanna la saxo,” ayuu yiri.

“Wax walba oo noocaan ah marka ay dhacaan hadhow waxay dhashaa in natiijada dadku ay diidaan badanaa doorashada marka in marka hore waxa doorashada lagu galayo la saxo si natiijada loo aqbalo,” ayuu yiri

Leave a Reply