9″ May”2023″ Gaalkacyo
Siciid Deni oo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa weerar culus ku qaaday ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre.
Ra’iisulwasaare Xamse ayuu ugu yeeray in uu yahay Xoghaye shaqadiisii la qaatay oo iska joogo meel maran.
Waxa uu sheegay in Puntland ay duulaan kusoo qaadeen Somaliland & dawladda Faderaalka oo mideysan, wuxuuna sheegay in ay ka hortagayaan oo aan marnaba Puntlqnd laysku dayi karin in lagu abyoodo, sida uu yiri
“Muuse Biixi iyo Xassan Sheekh waa ka mideysan yihiin hadaladooda Laascaanood, Xoghayaha Madaxweynaha Xamse Cabdi Barre isagaaba shaqaale ah muxuu shaqo bixiyaa”Siciid Deni ayaa sidaas yiri.
Deni ayaa sheegay in markii u horeysay dawladnimada 犀利士 Soomaaliya la magacaabay Ergayo iyo xubno qaatay shaqadii Xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in ay muujinayaan heerka dawladnimada Soomaalida loo burburinayo.