Siciid Deni oo iska diiday ka qeyb galka shir golaha wadatashiga qaran ee Baydhabo magaalada

11″ March “2023”

Madaxweynaha maamulka goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayay soo baxayaan warar la xiriirinaya inaanu ka qeyb gali doonin shir arbacada magaalada Baydhabo uga furmaya madaxda dowladda dhexe ee Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada arintaas oo sii fogeeyn karta khilaafka

24-kii bishii hore ee February ayay ahayd in la qabto shirkan, balse dib ayuu u dhacay, si Siciid Deni looga dabciyo go’aankiisa oo uu shirka u tago balse laguma guuleysan dadaaladii socday.

Ilo ku dhow Siciid Deni ayaa ku waramay in diidmadiisa uu sal uga dhigay khilaafka kala dhexeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya oo xaadiraya shirka magaalada Baydhabo ka dhacaya maalinimada Arbacada ee todobaadkan.

Si kastaba, arrintan ayaa cirka sii galineysa mad-madowgii ka dhex jiray Puntland iyo dowladda dhexe, waxaana dhawaan Puntland ay shaacisay iney hakisay wadashaqeyntii dowladda oo ay u dhaqmeyso sidii dowlad madax banaan.

Leave a Reply