Sida Baraha bulshada ay uga adeegsadaan Muqalasiinta dadka u tahriibiya Yurub

30- October-2023- BBC”

Qof dadka tahriibiya oo jooga Quetta ayaa wuxuu isku dubba-ridaa sidii dadka sharci darro looga dhoofin lahaa Pakistan.

Qofkan ayaa sida uu tahriibka uga shaqaysto uga warramay wariye BBC ka tirsan oo is qariyey.

Wuxuu sheegay in lacag u dhiganta 9,000 oo dollar ay dadka ku gayn karaan yurub muddo seddex todobaad ah.

Wuxuu kaloo sheegay in qofku uu Iran galo isagoo lugaynaya, halkaana uu safar dhulka ah uga amba baxo oo uu aado Turkiga, ka dibna Talyaaniga. Qaabka uu ninkaas u hadlayey ayaa ahayd si qabow.

Qofkii doonaya inuu Yurub tago wuxuu yiri “waa inuu quraacdiisa wataa, uuna xiran yahay kabo tayadoodu fiican tahay. Waa inuu sitaa ilaa seddex joog oo dhar ah. Waa intaas kaliya. Waa inuu biyo ka iibsan karo Quetta. Waa la soo wacayaa marka uu Quetta tago, mid ka mid ah raggeenna ayaana halkaa ku arki doona” ayuu yiri.

Qofkan dadka tahriibiya oo loogu yeero Azan ayaa u sheegay wariye ka tirsan BBC-da in maalin kasta boqollaal muhaajiriin ah ay ka gudbaan xuduudda Pakistan oo ay Iran galaan.

Wariyahan oo is qarinayey ayaa la kulmay isagoo iska dhigay shaqsi doonaya inuu walaalkii u diro UK.

Maxay dadku Pakistan uga baxayaan

MUKHALAS
Qoraalka sawirka,Mukhalasiinta Pakistan.

Sicir bararka sareeya ee Pakistan iyo hoos u dhaca ku yimid qiimaha lacagta dalkaas ayaa dhaliyey dad badan ay doonaya inay dalka ka baxaan oo dibada aadan, saraakiisha Pakistan ayaa bbc sidaas u sheegay .

Saraakiisha Pakistan ayaa BBC-da u sheegay in lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2023, ilaa saddex iyo toban kun oo qof ay ka tageen Pakistan si ay u aadaan Liibiya ama Masar. Halka sanadkii tagay ay tiradu dadkaas ay ahay ku dhawaad toddobo kun oo qof.

Safarrada noocaa ah ee dadka inta badan galaan waa kuwo khatar leh. Bishii June ee sanadkan, boqollaal tahriibayaal ah ayaa ku dhintay doon yar oo kalluumaysi oo ku degtay xeebaha dalka Giriiga.

Waxaa lagu qiyaasay in doontan ay saarnaayeen ugu yaraan 350 Pakistani ah. Azam wuxuu leeyahay.”Xitaa haddii jidka lagu qabto, weli gurigiisii buu ku noqonayaa, qofna ma afduubi doono oo madax-furasho ma weydiisan doono.”

Balse muhaajiriinta isku dayaya in ay ku safraan Liibiya ayaa halis ugu jira in ay gacanta u galaan maleeshiyaad iyo kooxo dambiilayaal ah.

Ninkan Pakistaniga ee aan la hadalnay ayaa dadka ka caawinaya inay u tahriibaan Talyaaniga.

Wuxuu sheegay in la afduubay oo uu ku xiran yahay Liibiya muddo saddex bilood ah qof magaciisa la badalay, kaasoo ugu danbyn qoyskiisa ay bixiyeen lacag madax furasho ah oo dhan $2500.

Waxa uu sheegay in lagu qafaashay Liibiya xilli uu doonayay inuu Yurub aado.

Xagee ka ololeeyaan dadka wax tahriibiya?

Dad badan oo ka mida kuwa wax tahriibiya ee Pakistan ayaa isticmaala baraha bulshada sida Facebook iyo TikTok. Ninkan waxaa akoonkiisa ku jira kumanaan taageerayaal u ah.

BBC-da ayaa ilaa bishii May la socotay akoonnadan baraha bulshada ee kor u qaada ka ganacsiga dadka.

Inta lagu jiro wakhtigan, waxaan ogaanay in dadka wax tahriibiya ay si gaar ah u diyaariyaan safarro iyo lacag-bixinno iyagoo adeegsanaya fariimaha tooska ah (DM) iyo WhatsApp.

Waxaa jira erayo loo adeegsado shaqadan tahriibinta oo kala ah ‘Dink’ iyo ‘Ciyaar’ tusaale ahaan Dinky waxaa loo isticmaala in lagu dhameeyo howsha safarka halka ereyga ciyaar loo adeegsado in lagu qeexo in qofkii baxay safarkii ku dhamaystay guul

Si loo gaaro yurub waxa jira saddex wado oo caan ah oo la adeegsado sida Turkiga, Iran iyo Liibia.

Mukhalasiintii aanu daba galnay musiibadii doontii muhaajiriinta ee Giriiga ayaa hadda xayaysiinaysa ‘ciyaaraha tagaasida’ oo ah habka la door bidayo ee tahriibinta. Tani waa waddo gaaban oo dhex marta Yurubta Bari.

Sida Mukhalasiintu u soo jiitaan dadka iyagoo tusaya muuqaalo

MUKHALAS
Qoraalka sawirka,Mukhalas

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ee tahriibayaasha ayaa laga soo duubay kooxo tahriibayaal ah oo ku dhuumaalaysanaya keymaha, kuna baxaya baabuurta yar yar.

Magacyada iyo nambarrada taleefannada gacanta ee wakiilada ayaa lagu xusay qoraalladan. WhatsAppyada macaamiisha iyo wakiiladu waxay is dhaafsadaan fariimo boqolaal ah oo ku saabatan waxaa xigi doona.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in qabowga xilliga jiilaalka ay dadka tahriibayaasha ah isku dayaan in ay lug kaga gudbaan xadka. Sidoo kale waxaa jira halis ah in ay ka dhacaan shilal baabuur, kuwaas oo sababa dhimasho.

壯陽藥

Shan kale oo dadka tahriibiya oo aanu la hadalnay ayaa iyaguna ku taliyay ‘waddada tagsiga’. Mid ka mid ah ayaa sheegay in uu qof kasta Faransiis ilaa UK ku keeni karo kun gini.

Shirka Meta oo saartay bogoga ka dib cabasho.

META
Qoraalka sawirka,Shirkada Meta

Waxaan siinay caddayntayada Meta, shirkada Meta waa milkiilaha Facebook, WhatsApp iyo TikTok. Waxaan u sheegnay in barahan loo adeegsan jiray in lagu dhiirrigeliyo ka ganacsiga dadka sharci darrada ah.

Meta waxa ay meesha ka saartay dhammaan xidhidhiyayaashii Facebook-ga ee Kooxaha iyo Bogagga aanu calaamadaynay, laakiin kama ay saarin profile-yada.

Sidoo kale kama aysan saarin kooxaha WhatsApp-ka sababtoo ah siyaasaddeeda sirta ee ay ilaaliso mana ogola dhexdhexaadin.

TikTok waxay meesha ka saartay isku xidhka akoonnada aanu uga dignay iyaga. Waxa ay sheegtay in shirkadu aanay wax dulqaad ah u lahayn waxyaabaha kor u qaadaya ka ganacsiga dadka

Muxuu Siciid sugayaa?

SICIID
Qoraalka sawirka,Siciid oo hore u tahriibay.

Siciid wuxuu hadda ku sugan yahay Talyaaniga. Wuxuu ku noolaa Siciid gobolka Kashmiir ee Pakistan maamusho isagoo ka tagay magaaladiisa muddo sannad laga joogo. Ma jirin fursado shaqo oo ka jira deegaankiisa.

Taas waxaa barbar socday iska horimaadyo ka dhacay xuduudka Kashmir ee ay Hindiya maamusho. Gurigiisu wuxuu u dhow yahay xadka dhabta ah ee u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan.

Waxaa uu sheegay inay ku dhiirigaliyeen inuu tago Yurub muuqaalo uu ka arkay Tiktoka iyo saaxiibadiis oo Pakistan ka tagay dhowr bilood ka hor.

“Waxaan maqlay in imaatinka halkan ay tahay mid aad u fudud, waxayna qaadan doontaa qiyaastii 20 maalmood, laakiin dhammaan waxay ahayd been, waxay igu qaadatay in ka badan toddoba bilood.” Ayuu yiri.

Siciid ayaa magangalyo ka codsaday Talyaaniga, wuxuu sugayaa go,aanka codsigiisa laakiin wuxuu sheegay inuu uu hadda ka qoomameynayo qaadashada ‘wadada aan sharciga ahayn’. Wuxuu u yaqaan ‘safarkii dhimashada’. Balse wuxuu dhigaa Tiktok muuqaallada noloshiisa cusub ee Talyaaniga TikTok.

Wariyaheenna qarsoodiga ah ayaa mar labaad wacay tahriibiyaha laba toddobaad ka dib markii ugu horreysay ee uu la xiriiray. Markan waxaanu u sheegnay inaanu nahay suxufiyiin BBC ah.

Mar aanu u sheegnay Azam khatarta ka iman karta waddooyinka sharci-darrada ah ee uu xayeysiin u samaynayo, waxa uu jaray telefoonkii.

Leave a Reply