7- October-2023 – Dheeho”
Sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isugu howlay in uu xal u raadiyo caqabadaha amni iyo bini’aadantinimo ee ka jiray dalkiisa waxay ka sareeysaa sidii uu farmaajo gacmaha ugu laabtay dal Ku sii socda booraan halis ah
Doonista Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh ee ku aadan Ciribtirka Argagixsada waxay calaamidisay sida aysan somalia ugu sii jiri karin booska ‘dhibanaha’
Madaxweyne Xasan iyo dowladiisa ayaa u bareeray maritaanka wado dheer oo ah halgan ay Somalia u galeeyso gaaritaanka Horumarka dhinacyo badan taabanaya oo leh daryeel caafimaadka mid Amni mid waxbarasho iyo mid wax soo saar oo qaranka ka dhiga mid sheeko guul taariiqeed leh
Madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ahaa madaxweynihii Soomaaliya 2012 ilaa 2017 ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib u dhiska qaran uu ugu yimid Isaga oo ku jira xalado ka sii qalafsan duruufihii uu uga tagay.
Soomaaliya ma ka gudbi kartaa taariikhdeeda xasaradaha iyadoo tan markii uu ku soo laabaty xaafiiska Madaxweyne Xasan shiiq bartimihii bishii May uu dalku arkay halgan ku aadan iska dulqaadida kooxda alshabaab ?
Muddo tobanaan sano ah Somalia waxa ay la kulmaaysay dhibaatooyin dhinacyo badan leh – laga soo bilaabo iskahorimaadyada al-Shabaab iyo is bedelka cimilada iyo dhibaatooyinka cuntada iyo biyaha – iyadoo intii aanu markii labaad xaafiiska ku soo laaban Madaxweyne Xasan uu dalku cagta saaray wado u muuqatay burbur aan dhamaad lahayn.
Xaaaladaha Amnidaro iyo mida bani,aadanimo waxay si tartiib tartiib ah u sii xumaanayeen markii dalka ku yaal bariga Africa uu dhaxda u galay laba sano oo muran doorasho ah intii aanu Raysiwasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ku guuleeysan in Somalia ka gudbiyo Mashaakilkii doorashada lagu muransanaa oo mar wadanka qarka u saartay in uu dib ugu laabto masiibadii colaadaha sokeeye
Laakiin maxay tani uga dhigan tahay waddan ay weli culays ku yihiin colaadda iyo arrimaha bini’aadantinimada? Iyo khatarta macluusha oo weli soo fool leh – madaxweynuhu ma keeni karaa nooc xasilloon oo bulshadu kaga siraad korto dhibaatooyinka ay dhaxleen