19- September-2023- BBC
Madaxa fulinta Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii la siin jiray Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub, ka dib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo in si aa naan munaasab aheyn loo isticmaalay gargaarkii looga tala galay in looga hortago macluusha Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar ku bixiyay howlgallada WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, qayb ka mid ah deeqahaas oo ah in ka badan $1 bilyan oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.
Afhayeenka guddiga Midowga Yurub, Balazs Ujvari , ma xaqiijin mana beenin joojinta ku meel gaarka ah laakiin waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la ogeysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saameynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.
Hay’adda WFP ayaan wali ka jawaabin codsiyo loo diray in wax looga weydiiyo arrimahaan.
Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii baaritaankii Qaramada Midoobay lagu xaqiijiyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanada, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ee Soomaaliya ka howlgala ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.
Sarkaal kale oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo hufnaanta, sida in la kala shaandheeyo la-hawlgalayaasheeda ku sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sidaas xaqiijiyay.
Ilo saddexaad, oo sidoo kale ka tirsan Midowga Yurub, ayaa sheegay in Guddigu “si firfircoon ula shaqeynayo WFP si loo xalliyo cilladaha nidaamka ka dhex jira” laakiin wuxuu sheegay in aan wax gargaar ah la joojin ilaa iyo hadda.
Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) ayaa hakiyay cuntadii gargaarka ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.
Guddiga Midowga Yurub ayaa Soomaaliya iyo Itoobiya ugu deeqa 10 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 10.69 Milyan oo Doollar, iyadoo la sii marinayo hay’adda WFP, deeqahaasi ayaana qeyb ka ah hakin QM, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub.
Mareynkanka ayaa ilaa hadda ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya. Sannadkii hore, waxay ku biirisay in ka badan $2.2 bilyan oo maalgelin ah oo ku baxday wax ka qabashada arimaha bini’aadantinimo ee ka jira Somaaliya.
Afhayeenka USAID Jessica Jennings ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii loo darsi lahaa inta uu le’eg yahay gaargaarka la weecsaday, isla markaana ay horayba u qaadayeen tillaabooyin lagu ilaalinayo dadka u baahan gargaarkan iyo in la hubiyo in lacagta cashuur bixiyayaasha Mareykanka la gaarsiiyo dadka jilicsan ee Soomaaliya sidii loogu talagalay.
Sarkaal ka tirsan hay’adda USAID oo magaciisa ka gaabsaday in la xigto ayaa sheegay in xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay kala duwan yihiin, isla markaana USAID aysan qorsheynayn in ay hakiso gargaarka cuntada ee Soomaaliya ay siiso.
Ilo ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa sheegay in go’aanka lagu hakiyay gargaarka Itoobiya, uu qayb ahaan la xiriiro doorka gaarka ah ee dowladda federaalka Itoobiya ee ku aaddan qaybinta gargaarka cuntada, taas oo ku adkaatay deeq-bixiyeyaasha in ay fahmaan.
Maxay Dowladda Soomaaliya Ka Tiri Arintaan?
Xafiiska Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo isku dubarrida gurmadka bini’aadannimo ee dowladda ayaa war uu soo saaray ku sheegay in madaxda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay baaraan natiijada warbixinta Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kale intaa ku daray in hababka gargaarka ee hadda jira ay u shaqeeyaan si ka baxsan nidaamka dowladda.
“Weecinta gargaarka waxay wiiqaysaa waxtarka iyo hufnaanta hawlaha bani’aadamnimo, iyadoo meesha ka saaraysa kalsoonida ay shacabku ku qabaan dadaalladayada wadajirka ah. Natiijooyinka hordhaca ah ee warbixinta Qaramada Midoobay waxay muujinayaan daciifnimada nidaamka hadda jira ee gargaarka bini’aadantinimada, sidaas darteed, waa inaan ku dadaalnaa hab cusub oo hubinaya daahfurnaanta, yareynaya lakabyo badan oo qandaraas-hoosaad ah, oo dhisa lahaanshaha maxalliga iyo dawladda ee geeddi-socodka”, ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin.
Xafiiska xoghayaha guud ee QM A犀利士 ntonio Guterres isla markiiba kama jawaabin codsiyo loo diray in faallooyin uu uga bixiyo arrimahan.
Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ayaa kordhiyay dhaqaalaha ay siiyaan Soomaaliya sannadkii hore iyadoo saraakiisha bini’aadannimadu ay ka digeen macaluul ku soo fool leh Soomaaliya oo ka dhalatay abaartii Geeska Afrika ee ugu xumayd muddo tobanaan sano ah.
Tan iyo markii ay soo shaac baxday xatooyada gargaarka abaartii sanadkii 2011-kii, hay’adaha bani’aadamnimada ayaa inta badan kaalmadoodii u beddelay qaab lacaga ah in ay u gaarsiyaan dadka nugul oo ay mas’uuliyiinta qaarkood ku sheegeen kuwo aan u nugulayn musuqmaasuqa.
Miisaaniyadda gargaarka ayaa culays ku ah caalamka, iyadoo kaliya 36% la maalgeliyay ilaa hadda, 2.6 bilyan oo dollar oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in loo baahan yahay sanadkan wax ka qabashada arimaha bini’aadantinimada Soomaaliya oo u baahan lacag dhan ($1=0.9355 euro