Sida seynisyahannada ay magaca Somali Sengi ugu bixiyeen Walo-Sandheer

BBC

Noolahan wuxuu ku badan yahay dhul qalalan oo dhagxaan badan.

Walo-Sandheer (ama Somali Sengi) waa noolahan yar oo isku faraca ay yihiin Maroodiga, balse aadka uga yar. Sida ay seynisyahannada sheegeen, waxay ku arkeen in Jabuuti ka dib 50 sano oo raadintiisa ay bilaabeen. Waxay markii hore aaminsanaayeen in uu dabar go’ay.

Wuxuu leeyahay san dheer oo dabacsan, in kastoo ay kala duwan yihiin. Noolahan wuxuu afkaas dheer u adeegsadaa inuu ku ugaarsado cayayaanka yaryar.

Waxaa jiro illaa 20 nooc oo noolahan ah oo Sengis lagu magacaabo oo daafaha caalamka ku kala nool, waxaa ka mid ah midka loo bixiyay Somali sengi (Elephantulus revoilii) oo Soomaalida ay u garanayaan Walo.

Aqoontii ugu horeysay ee laga lahaa waxaa diyaariyay 39 qof oo tobannaan sano ka hor sameeyay cilmi-baarisyo lagu keydiyay Madxafyo.

Seynisyahannada waxaa loo sheegay in noolahan uu buuxay deegaannada Soomaalida. Xuseen Rayaleh, oo ah cilmi baare u dhashay Jabuuti, oo qeyb ka ahaan baaritaankan hadda, wuxuu sheegay in uu aaminsan yahay inuu horey u arkay noolahan.

Wuxuu sheegay in Soomaalida gaar ahaan shacabka Jabuuti aysan marna u arkin in Wala-sandheer “la waayay”, balse warbixintan cusub waxay muujineysaa in ‘Somali Sengi’ uu dib ugu soo noqday masraxa bulshada seyniska, waana mid qiimo u leh.

Magaca ‘Somali Sengi’ ee Wala-Sandheer

Noolahan waxaa markii hore lagu garanayay Soomaaliya oo keli ah, waana sababtaa uu magaca ku baxay.

Seynisyahannada waxay marka hore sharaxaad ka bixiyeen ereyga geeska (Geeska Afrika) iyo sababta ay u doorteen in ay ka raadiyaan noolahan.

Sababta waxay ku sheegeen in Geeska Afrika uu leeyahay nooole badan oo kala duwan taas oo fikrad cusub oo aan horey u jirin siineysa culimada seyniska

Galen B. Rathbun (1944-2019), oo in ka badan 40 sano ku qaatay baaritaanka sengi ee dhanka biology-ga, ayaa buuraha Jabuuti u koray si uu noolahan ugu sameeyo baaritaanno.

“Waxaan soo jeedineynaa in magacan hadda loo garanayo noolahan – Somali Sengi- la sii adeegsado”, ayaa lagu qoray warbixin lagu daabacay bogga PeerJ.

Markii ugu horeysay ee la ogaaday waxaa baaray khabiir u dhashay Faransiiska oo lagu magacaabi jiray Georges Révoil, oo noolahan ku arkay Bariga Soomaaliya muddadii u dhexeysay 1878-1881.

Sannadkii 1881, Hüet wuxuu daabacay baaritaankiisa horudhaca ahaa ee sengi cusub, waxaana loogu magacdaray Macroscelides revoilii.

Ka dib, laga soo billaabo 1891 illaa 1973, dhowr seynisyahanno oo u kala dhashay Britain, Mareykanka iyo Taliyaaniga ayaa xog kale oo dheeraad ah uruuriyay.

Dhanka Waqooyiga Soomaaliya waxay xilligaas ka heleen laba nooc oo noolahan ah oo ay ku kala magacaabeen Somali Sengi iyo Somalian Rufous Sengi.

Waxay seynisyahannada sheegeen in ay ogyihiin in dadka ku xeel-dheer taariikhda Soomaalida ay xaqiijiyeen in noolahan loo garanayo Walo oo dadka gudaha ay ugu yeeraan.

Magaca deegaannada Soomaalida ee walo sandheer, wuxuu sidoo kale hadda tixraac u yahay noolahan ku faraca ah maroodiga ee Soomaaliya laga helo.

Dhanka Jabuuti waxaa looga dhawaaqaa Wali sandheer, meelaha qaarna waxaaba looga garanayaa dooli.

Jabuuti waxaa laga helaa noole yaal badan oo kala duwan, balse aqoon badan looma lahan.

Hase yeeshee, Cusman Geedow Caamir, oo wax badan kala socda arrimaha xayawaanka Soomaaliya ku nool, ayaa noo sheegay in cilmi baarista cusub ee sheegeysa in hadda ;a helay loo sababeyn karo maadaama aysan cilmibaareyaasha caalamiga ah muddo dheer fursad u helin inay Soomaaliya tagaan oo xog rasmi ah ka helaan noolahan.

“Xayawaankan hadda laga hadlayo, oo afsoomaaliga magaciisa lagu yidhaahdo Walo, ama Walo Sandheer, waa xayawaan la helay sannadkii 1881-kii, nin faransiis ah ayaana ka soo qabtay bariga Soomaaliya. Waxaa laga helaa inta laga soo billaabo deegaannada Puntland illaa Somaliland,” ayuu yidhi Cusmaan.

“Seynisyahannada warbixinta soo saaray markii dhan loo eego way saxan yihiin, sababtoo ah ma jirto cilmi baadhis dhinaca xayawaanka ah oo laga sameeyo Soomaaliya, mana jiro madxaf lagu keydiyo xogta xayawaannada waddanka ku nool. Culumada seyniska ee reer Galbeedkana waxaa Soomaaliya ugu dambeysay waqti hore, 30 sano ayuu dalka ku jiray qalalaase, 20 sano oo kasii horreysayna waxaa iska jiray culeysyo dhinaca cilmibaadhista ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Falanqeyn dhanka dhiigga hido-sidaha oo lagu sameeyay waxay muujineysaa in Walo-sandheer (Somali Sengi) uu xiriir dhow la leeyahay midka kale ee isaga la mid ah ah ee ku nool illaa Morocco iyo South Afrika.

Cimilada iyo walo-sandheer

Sida laga soo xigtay dadka qaar ee reer Jabuuti noolahan qaabka uu u quuto una nool yahay, way kala duwan tahay, waxayna sheegeen in heerka cimilada ay ku xiran tahay.

Sida lagu qoray bogga PeerJ, aagga Assamo waa meel saxare ah oo kulul, balse celcelis ahaan waxay sannadkii tahay 21.1 illaa 31.6°C.

Waxaa deegaankaas ku nool xaywaano badan oo ah walo-sandheer iyo kuwa kale, waana dhul leh buuro, dhagxaan iyo dooxooyiin.

Iyadoo gobolada qaar ee Jabuuti ay kulul yihiin, haddana, noolahan wuxuu biyaha ugu badan ka helaa waxa uu cuno.

Seynisyahannada waxay qorsheynayaan in ay ballaariyaan baaritaankooda, sannadka 2022, ayna adeegsadaan qalab dayax-gacmeedka la shaqeeyo, si ay u bartaan dhaqanka iyo qaabka nolosha ee Walo-sandheer.

Kelsey Neam oo ka tirsan Hay’adda Ilaalinta Duur joogta ee Caalamka, wuxuu sheegay: “In la ogaado in Somali Sengi (Walo-sandheer) ay jirto, waxay ahayd tallaabadii ugu horreysay ee khubarada. Hadda waan ogaanay in ay badbaaday, waxayna seynisyahannada xaqiijin doonaan in mardambe aanan la waayin”.

Maxay arrintan uga dhigan tahay Jabuuti?

Xuseen Rayaleh, oo ah khabiir u dhashay Jabuuti wuxuu bogga Global wildlife u sheegay: “Annagan ku nool Jabuuti, iyo guud ahaan Geeska Afrika, weligeen uma arag in sengis la waayay.”

“Balse cilmi-baaristan cusub waxay Somali Sengi dib ugu soo celineysaa bulshada seyniska, taas oo qiimo inoo leh.

“Jabuuti waxay u tahay arrin muhiim u ah oo muujineysa kaalinta noolaha dalka iyo gobolka, waana arrin fursad u ah seyniska cusub iyo cilmi-baarista,” ayuu hadalka ku sii daray.

Dhulka Soomaalida waxaa la sheegaa in noole badan oo kala duwan laga helo, balse aysan qaarkood u diiwaan gashaneyn ama aysan ka warhayn khubarada seyniska iyo hay’adaha ilaalada duurjoogta.

Sida uu Khabiir Xuseen qabo, “Jabuuti waxay hoy u tahay noole badan oo badda iyo barigaba laga helo, balse weli aan la ogaanin”.

Cilmi barista lagu sameeyo taariikhda dabiiciga ah ee Jabuuti waa tallaabo muhiim u ah dalkaas uu horey u gumeystay Faransiiska, sida uu qabo Xuseen Rayaleh.

Dalka Jabuuti oo ku yaalla meel istiraatiiji ah, waxaa ku yaallo saldhigyo militari, waxaana ku loolamaya dalal waaweyn sida Mareykanka iyo Shiinaha.

“Waxaan fileynaa in baaritaankan uu caalamka u muujin doono in Jabuuti aysan ahayn saldhigyo militari oo keli ah, balse dalkeena uu leeyahay nooleyaal u gaar ah oo weli ay tahay in loo yeesho aqoon”, ayuu yiri Xuseen oo ah khabir dhanka duurjoogta oo la hadlay Global Wildlife.

Leave a Reply