Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku sigtay in ay ku dagaallamaan Balad Xaawo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida iyo dadka deegaanku hor istaageen ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay “in ay si sharci darro ah ku galaan degmada Buulo Xaawo ee gobolka Gedo.”

“Saaka ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya oo lagu daabacay bogga Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay “in dowladda Itoobiya ay faragelin iyo iska horkeen beelaha ah ka waddo gobolka Gedo.”

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in tani qayb ka tahay faragalin ay sheegtay “in Addis Ababa ku hayso madaxbannaanida iyo qaranimada Sooomaaliya.”

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya waxaa kale oo lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo ruqaansaday degmada Doolow ee gobolka Gedo ay damceen in ay aadaan degmada kale ee Beledxaawo ee isla gobolka Gedo, balse ay ka hortageen ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka.

Dhanka kale, xiriir aan la sameynay dowladda Itoobiya si ay uga falceliso eedeymaha dowladda Soomaaliya ayaan wax jawaab ah ka helin.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ku sigtay in ay dagaallamaan

Qoraalka sawirka,Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay ka sii mid ahaan doonin hawgalka cusub ee Midowga Afrika, isla markaana ay tahay in dhammaadka bishan ay dalka ka baxaan.

Warar madaxbannaan oo BBC-du ka heshay gobolka Gedo ayaa sheegaya in kala qaybsanaanta madaxda maamulka degmooyinka oo la kala saftay dawladda federaalka iyo maamulka Jubaland ay qarka u saartay in isku dhac ciidan uu ka dhex dhaco ciidamada dawladda federaalka iyo ciidamo taabacsan Jubaland oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya deegaanno u dhaxeeya Buulo Xaawo iyo Doolow.

Dad ku sugan Buulo Xaawo ayaa BBC-da u sheegay in Wasiirka Amniga ee Jubaland Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo maalmahan ku sugnaa degmada uu wadahadal la lahaa saraakiisha dawladda federaalka.

Saraakiisha ayaa ka dooneysay Dhuumaal in uu ka haro maamulka Axmed Madoobe isla markaana uu la shaqeeyo dawladda federaalka, hase yeeshee saaka ayay saraakiisha federaalku ka war heleen in Dhuumaal iyo ciidamo uu wato ay u baxeen dhinaca degmada Doolow.

Saraakiisha ayaa markaa dabadeed ciidamo wata gawaarida dagaalka ka daba diray ciidamada wasiirka amniga galbinayay.

Wasiir Dhuumaal ayaa ka war helay in ciidamo ay ku raadjoogaan, waxa uuna caawimaad waydiistay gudoomiyaha degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) oo isna garab weydiistay ciidamada Itoobiya, waxayna ka soo ruqaansadeen Doolow, iyagoo soo aaday waddada u dhaxeysa Doolow iyo Buulo Xaawo, sida dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Xogta BBC-du heshay ayaa intaa ku daraysa in ciidamada Soomaaliya markii ay ka war heleen in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo aadeen dhinaca Dhuumaal ay isaga hareen dabo-jooggii ay ku raad joogeen wasiirka

Muxuu maamulka degmada Doolow ka yiri arrintan?

Xiriir ay la sameysay BBC-du sarkaal ka tirsan maamulka degmada Doolow oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubaland oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay Wasiirka Amniga Jubaland Janaraal Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) ka soo galbiyeen waddada u dhaxeysa Buulo Xaawo iyo Doolow

“Haa way jirtaa in aan soo qaadnay wasiirka, sababtoo ah amnigiisa ayaan u baqnay, isaga ayaa nala soo xiriirray oo yiri isku day dil baa la igu sameeyay,” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan maamulka degmada Doolow.

Sida dadka deegaanku ku soo warramayaan ciidamada Itoobiya oo gacan ka helaya kuwa taabacsan maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolka Gedo gaar ahaan degmada Doolow.

Qof ku sugan degmada Doolow ayaa BBC-da uu sheegay in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay soo gaareen gobolka, qorshahooduna uu kamid yahay in ay tagaan degmada Buulo Xaawo oo ay hadda saldhigyo ciidan oo waaweyn ku leeyihiin ciidamada dawladda federaalka.

Inta badan madaxda maamulka degmada Buulo Xaawo ayaa la saftay dhinaca dawladda federaalka oo ku cadaadisay in ay isaga haraan maamulka Jubaland ee uu madaxda ka yahay Axmed Maxamed Islaam, marka laga reebo gudoomiyaha degmada oo isagu ku adkeystay in uu la sii shaqaynayo maamulka Jubaland.

Khilaafka cusub ee u dhaxeeya dawladda federaalka iyo maamulka Jubaland oo ka bilowday dib u doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa meel xun maraya, xilli dhinaca kale uu isna taagan yahay khilaafka dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay is af-garadka sanadkan horraantiisii Addis Ababa ku dhexmaray Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland iyo Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan qaybo kamid ah gobolka Gedo, waxayna isugu jiraan kuwa ka tirsan hawgalka waqtigiisu sii dhammaanayo ee ATMIS iyo kuwa toos uga amar qaata Addis Ababa.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay ka sii mid ahaan doonin hawgalka cusub ee Midowga Afrika, isla markaana ay tahay in dhammaadka bishan ay dalka ka baxaan.

Wasiirkii amniga jubaland General Dhuumaal oo ciidamo Itoobiya ee magaalada Doolloow Isu dhiibay kadib markii uu ka shakiyay inay qaban rabaan ciidamada Dowlada fadaraalka ee Ku sugan magaalada Beladxaawo