In ka badan 3.3 milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigreega ayaa helay gargaar bini’aadannimo,

6″ January “2023

Qul-qulka gargaarka bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ayaa si tartiib tartiib ah kor loogu qaadayo,”Iyadoo ay wali jiraan gaabis iyo ku filnaansho la,aan aan dabooli karin baaxada baahiyaha taagan Dheeho.com

In ka badan 3.3 milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigreega ee ay colaaduhu saameeyeen ee Itoobiya ayaa helay gargaar bini’aadannimo, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku-dubbaridka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA).

OCHA, warbixinteedii ugu dambaysay ee xaaladda Itoobiya oo soo saartay Khamiista, ayaa sheegtay in la-hawlgalayaasha bani’aadamnimada ay caawiyeen in ka badan 3.3 milyan oo qof, taas oo ka dhigan 61 boqolkiiba wadarta guud ee kiisaska la qorsheeyay oo ah 5.4 milyan oo qof oo ku nool Tigrayga wareeggii labaad ee cunto qaybinta, kaas oo la bilaabay horaantiisii. Oktoobar waxayna socotay ilaa dhammaadka Disembar.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ee Ethiopia ayaa sheegay in ay dhibaato ka jirto meelaha qaar oo kuwo aan la geli karin, sida xudduudda gobolka Tigary uu la wadaago Ereteriya iyo deegaannada Tigray-ga ee isku xira gobollada Axmaarada iyo Canfarta Itoobiya. Waxa kale oo caqabad ah in la gaaro dadka ku nool meelo ka fog waddooyinka waaweyn.

Waxay sheegtay in sahayda bini’aadantinimo, gaar ahaan cuntada, loo sii daabuli jiray Tigray iyadoo la sii marayo afar waddo oo la sii maro gobollada ay dariska yihiin ee Canfarta iyo Axmaarada.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus oo isaga laf,ahaantiisa ka soo jeeda Gobolka Tigrayga, ayaa sheegay in horumar laga sameeyay sidii in raashin iyo dawooyin la gaarsii lahaa Tigrayga.

Gargaarka bini’aadantinimo ayaa ku qulqulaya gobolka Tigray ka dib heshiiskii nabadeed ee ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) horraantii Nof犀利士 embar 2022.

Heshiiska waxaa ka mid ah soo celinta sharciga iyo kala dambeynta, soo celinta adeegyada iyo helitaanka saadka bini’aadantinimo ee aan la carqaladeyn.

Leave a Reply