Sidee bay u dhaqan galaysaa canshuurta iibka ee wasaaradda maaliyaddu soo rogtay

Todobaadkan ayaa waxaa lagu wadaa in la hirgeliyo nidaamka canshuuraha iibka ee ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda dawladda Soomaaliya, taas oo ay ku wargelisay dhammaan ganacsiyada kala duwan in laga bilaabo 18-ka Agoosto 2024 ay qaan sheegad kasta oo ay macaamiishoodu alaab ku gadanayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadidda.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay in ganacsatadu ay sidaasi sameeyaan si ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay uga go’do canshuur ahaan, sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo saartay ogeysiis ay ku wargelineysso macaamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si toos ah u dhaqangelin doonto qaadista canshuurtaas.

Go’aankan kasoo baxay qaadista canshuuraha iibka ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa ka dhashay falcelin xooggan iyo cabasho ay ka muujiyeen ganacsatada, kuwaas oo sheegay in lacago badan oo canshuura ah looga qaado dhanka dekadda , sidoo kale waxaa dood ka keenay xubno ka titrsan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya .

Canshuurta cusub ee iibka ayaa noqonaysa 5%, waxayna ku waajibeysaa oo laga jaranayaa qof kasta oo wax iibsanaya.

Ganacsatada ayaa tilmaamay in ay la kulmeen wasiirka maaliyadda Soomaaliya, balse aysan kala soo kulmin wax natiijo ah.

Sidoo kale ganacsatada ayaa sheegay in Wasiirku ku adkeystay in la qaadayo lacagaha iibka, ayna bilaaban doonto 18-ka bishan Agoosto, waxaana laga diiday in xitaa dib loo dhigo ilaa inta heshiis laga gaarayo.

Waa maxay Sababta Wasaaradda Maaliyadu ay u soo rogtay canshuuraha iibka

Wasaaradda ayaa ku doodday in canshuurta ay bixiyaan canshuur bixiyaasha kala dwuan ay horseeday markii ugu horeeysay in dowladdu ay ku guuleeysato in dakhliga gudaha u ku filnaado oo uu daboolo mushaaradka kala duwan ee ay dowladdu siiso shaqaalaheeda iyo ciidamada, sidaas oo kale dakhliga gudaha ee ay canshuur bixiyaashu soo geliyaan dowladda ay suura gelisay in lagu daboolo mushaarka 6000 oo macallin oo ay dowladdu shaqaaleeysiisay labadii sano ee la soo dhaafay iyadoo markii hore kharashaadka kala duwan ee dowladda waqti dheer laga kabi jiray deeqo dibadda ka yimaada”.

Hadalkan oo lagu daabaacay War-saxafadeed ay Wasaaradda Maaliyaddu kasoo saartay canshuuraha iibka ayaa lagu sheegay in laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 18 August 2024 qaansheegad kasta oo ay macaamiishu alaab ku gataan ay ku daraan 5% taas oo ah qiimaha canshuur gadida si looga baaqsado bay tiri Wasaarddu in ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay u go’do canshuur ahaan iyada oo Wasaaradu sheegtay in ay si toos ah u dhaqan gelin doonto qaadista canshuuraha gudaha.

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed maxay ka tiri canshuurta iibka?

Cabdi Abshir Dhoorre

Nidaamka ay Wasaardda Maaliyaddu canshuuraha ku qaadeyso waa mid noocee ah

Kaliya ma aha in la diidan yahay in la hirgeliyo canshuurta iibka iyadoon la isla meel dhigin oo aan laga wadahadlin laakin sida uu Cabdi Abshir u sheegay BBCda, nidaamka ay dowladdu ku qaadeyso canshuurta waxa ku jira buu yiri khaladaad waaweyn” Lacagta kusoo dhacdo akoonka ganacsadaha, lacag kala gadasho miyaa mise waa lacag uu qof ku lahaa oo uu usoo diray mise waa mid la siiyay” ayuu is weeydiiyay Cabdi Abshir , isagoo intaasi ku daray in haddii la yiraahdo lacag kasta oo adiga laguu soo diro 5% ayaan ka goosanayaa, waxa halkaasi ka dhalan kara khalad farsamo oo aad u weyn.

Dowladda ayaa u wakiilatay Bankiyada in ganacsatada ku leh akoonada ay ganacsiga iibka uga jaraan 5% .Laakin akoonada ganacsiga kuma soo dhacaan oo kaliya lacagta iibka sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir isagoo sheegay in in aan la kala saari Karin ma lacag deyn ah ayaa lagu soo diray, ma mid lagu siiyay baa, isagoo sheegay in dadkan ay ka dhaxeeyaan wax badan oo aan la kala saari Karin. “ si loo hirgeliyo in la qaado canshuurta ayey tahay dadku in ay ka qeeybgalaan oo ay fahmaan”ayuu intaasi raaciyay.

Higelinta Go’aankani Saameeyn noocee ah ayuu ku yeelan karaa dhaq-dhaqaaqa Suuqa

Canshuurtan ayaa culeyskeedu uu fuuli doonaa shacabka sida ay sheegtay Rugta Ganacsiga, “qofka ganacsadaha marka canshuur lagu kordhiyo waxa uu saarayaa shacabka.

Lin ganacsatada waxa ay ka qeylinayaan ayaa ah haddii badeecadu ay qaali noqoto yaa iga gadanaya aniga , taasina waxa ay keeni karta in badeecado ka raqiisan kuwiisa laga soo geliyo xuduudaha iyo xitaa Dowlad Goboleedyada dalka, waayo lacagta canshuuraha iibka ee ay dolwaddu soo rogtay Dowlad Goboleed kasta kama suurta geli doonto, arimhaasi marka la eegana caasimadda waxa dul yaallo culeys far badan “ ayuu sheegay Cabdi Abshir.

Dowladdu waxa ay u baahan tahay in canshuur ay qaado si ay u socodsiio adeegayada dowladeed sida mushaaraadka shaqaalaha iyo kan ciidamada markaa adinku ma canshuurta ayaad diidan tihiin mise Farsamada lagu qaadayo ayaan weeydiinay Agaasime Cabdi Abshir Dhoorre , waxana uu taasi kaga jawaabay, in ganacsatadu ay maalin walba garab taagan tahay dowladda sida abaari marka ay dhacdo, haddii mashaakiil kale uu waddanka ka dhaco , haddii uu qarax weyni dhaco, “ganacsatada ayey dowladdu u soo baxsataa oo ay tiraa waxan naga difaaca.

Marka laga yimaado casnhuurta ay bixiyaan waxooda ayeey wax ka sii bixiyaan” isagoo intaasi ku daray in ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed ay caalamka ku leeyihii ganacsi oo aanay ahayn dad in la baro ay tahay in ay canshuur bixiyaan.

Isaga oo intaasi ku daray “In ay dowladdu canshuur qaaddo waxa ku hagaagayo amniga iyo in ay mushaaraadka bixiso , laakin wax la diidan yahay waa jidka ay soo mareyso”.

JubbaLand maxay ka tiri canshuurta iibka

Jubbaland

Wasaaradda Maalliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku diiday nidaamkan cusub ee canshuuraha iibka 5% ee ay soo saartay Wasaardda Maaliyadda Federalka iyada oo sheegtay in aanay qeeyb ka ahayn maadaama aan la tashi lagala sameyn.

War saxaafdeedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in canshuur gaadidda guud ahaan dalka lagu soo rogay ay abuuri karto isku dhacyo dhaqaale, iyada oo aan la tixgelin madaxbanaanida canshuraha Dowladaha xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ah. “Maalmo yar ka hor waxa Muqdisho lagu qabtay shirka Wasiiradda Maaliyadda Dalka iyada oo aan wax wadatashi ah laga sameynin canshuur gaadidda taas oo dhaawaceysa wada shaqeynta Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Xildhibaanno gudbiyay Mooshin ku saabsan canshuurta iibka

Xildhibaannada

Xildhibaano ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ku saabsan cabashada ka dhalatay canshuurta cusub ee dowladda ay soo, rogtay. Kulankaas Baarlamaanka, in ka badan 10 xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan, waxaana ay dalbadeen in ajendaha kulanka maanta lagu soo daro arrimaha canshuuraha iyo cabashada taagan.

Xildhibaanada gudbiyay mooshinka ayaa sheegay in mooshinku uu ku saabsan yahay sidii loo xallin lahaa cabashada ganacsatada iyo shacabka ee ku aaddan canshuuraha cusub, iyaga oo sheegay in mooshinkan uu metelayo dareenka shacabka, gaar ahaan kuwa ka cabanaya canshuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.