Senator C/qybdiid oo Baarlamaanka Uga digay Kalsooni kala noqoshada Rooble Iyo Gudoomiye mursal oo beeniyay in ay wadaan mooshin ka dhan ah rooble

28″ April “2021” Muqdisho

Senatar Qeybdid ayaa ka digey in Golaha Shacabka uu Kalsoonida kala noqdo Rooble

Senatar Cabdi Qeybdiid ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhow magaalada Muqdisho ayuu Cabdi Qeybdiid ka sheegay in uu jiro shaki ah in baarlamaanka uu qorsheynayo inuu carqaladeeyo horumarka doorashada laga gaaray.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaatana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya,”ayuu yiri Senatar Qeydiid.

Sidoo kale Senatar Cabdi Qeybdiid oo maalmihii la soo dhaafay dadaal xoog leh ugu jirey sidii xal loogaga gaari lahaa xiisada ka soo cusboonaatay caasimada ayaa sheegay in go’aankii baarlamaanka ee 12-kii bishab ay ahayd April ay sababtay in dad badan u dhinteen,kuwo u dhaawacmaan halka kumanaan qoysna ka barakaceen guryahooda.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo xoogeysanayay shakiga ah in Baarlamaanka uu doonayo in kalsoonida kala laabto Ra’iisul Wasaare Rooble. Hase yeeshee Sii hayaha gudoomiyaha mursal oo beeniyay in at mooshin ka dhan ah rooble oo diiday judo kororsiga

Mursal oo page golaha shacabka soo dhigay ayaa yiri
Waxa Shacabka Soomaliyeed La Wadaagaya In Ay Been Abuur Ay Tahay Wararka Lagu Daabacay Baraha Bulshada Oo ah In Maalinta Sabtida Xil Ka Qaadis Lagu Sameynayo Raisalwasaaraha XFS Waxan Umadda Soomaliyeed Uga Digayna In Ay Ka Fogaadan Wararkaas Been Abuurka ah, U Jeedada Kulanka Uu Yahay In Maalin Sabtiga 1 May Uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu Hor Imaan Doono Mudanayaasha Golaha Shacabka

War hoose oo laga helay Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya in maalinta Sabtida ay kalsoonida kala laaban doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble si mowjad cusub uu dalku u galo.

Golaha Shacabka ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku eedeyn doonaan eed la mid ah tii hore kalsoonida ugala laabteen Xasan Cali Kheyre oo ah in uu ku guuleysan waayay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa socda kulamo siyaasadeed taasoo ah mid lagu doonayo in loogaga hortago qorshaha cusub ee uu bilaabay Madaxweynaha xilligu ka idlaaday ee Farmaajo.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa facebook ku soo daabacay in uu qorsheynayo Farmaajo qorshe cusub oo uu kala

Leave a Reply