5″ November “2022
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Ku-xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Sisay Tola oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta iyo xog is dhaafsiga.
Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho
Iddacada Kulmiye ayaa ku warantay in Mahad slaad uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.
Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay qaraxyadii 29 Bishii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.