27″ December”2020″ CUSBOONEENSIIN
Sigaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Musharax Madaxweyne ayaa ka hadlay rasaas Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay ku fureen dad shacab ah oo banaanbax ka dhigaayay Magaalada Baladweyne.
C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku Cambaareeyay falkii Ciidamada ay ku rasaaseeyeen dadkii banaanbaxa ka waday Baladweyne, kuwaasi oo Maanta rasaas ay ku rideen Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.
Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ayuu Siyaasiga ugu baaqay inay ka fogaadan in adeegsado awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigay
Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa Alle Caafimaad u weydiiyay dadkii ku dhaawacmay rasaastii lagu furay, xili ay dhigayeen banaanbax looga horjeeday dhismaha Maamulka Hirshabeelle iyo Cali Guudlaawe.
“Waxaan canbaaraynayaa falalka lagu caburrinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa ciidamada AMISOM, iyo kuwa Itoobiya in ay ka fogaadaan adeegsida awooda lagu meelmarinayo danaha gaarka ee Madaxweyne Farmaajo. Shacab dibad baxaya oo la xabadeeyo waa danbi hirgalay intii uu xukunka hayey Madaxweyne Farmaajo. Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in Ciidanka AMISOM ay ka amar qaataan Madaxweynaha” ayuu CC Shakuur.
Khasaaro dhaawacyo ah ayaa ka dhashay rasaastii Ciidanka amniga Baladweyne ay u adeegsadeen kala eryinta dad halkaas ka waday banaanbax rabshado watay, isla markaana la xiray qaar kamid ah dadkii banaanbaxayay.
banaanbaxyo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne,
Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xaalada ay degen tahay kadib markii maanta ay dhaceen banaanbaxyo rabshado watay oo ay dad ku dhaawacmeen.
Illaa saddex ruux oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen banaanbaxyadan kadib markii ay rasaas ku fureen ciidamada dadkii banaanbaxayay.
Dadkan banaanbaxayay ayaa waxa ay ka soo horjeedeen xarig loo geystey dad shacab ah oo lagu xirey saldhigga booliska magaalada Beledweyne.
Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle waxayna ku dhawaaqayeen Hirshabeelle doonimeyno iyo erayo kale.
Dibad baxayaasha ayaa wadada laamiga ah e eugu weyn magaalada Beledweyne dhigey dhagxaan iyo geedo waaweyn iyagoo diiday isu socodka gaadiidka, Ciidamada dowlada federalka iyo kuwa AMISOM ayaa shalay iyo maanta ka sameynayay howlgalo xaafado ka mid ah magaalada Beledweyne iyadoo ciidamadaa ay qabqabteen rag lagu tuhunsan yahay inay taageerayaan jabhada uu hoggaamiyo General Xuut.
Banaanbaxyadan rabshadaha wata ayaa waxa ay ka dhacayaan magaalada Beledweyne iyadoo uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlada Federalka General Muqtaar Xasan Afrax iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed labaduba ka soo jeeda magaalada Beledweyne.