Siyaasiga C/raxmaan C/ shakuur ayaa sawir ka bixiyay sababta uu Farmaajo u doorbidayo ku dayashada hogaanka kali,taliska ah ee Eritrea

Friday “10” December”2021″ Muqdisho

Isu ekaansha dhaqankii dowladnimo ee kacaankii siyaad bare iyo siyaasada Eritrea犀利士 ayaa sabab u ah doorashada farmaajo ee ku aadan Afwerki sida uu tilmaamayo sawirka uu ka bixiyay siyaasiga cabdiraxmaan cabdi shakuur oo ku bilaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook sidan ”

Dal aysan 30 sanno doorasho ka dhicin, xukunkana hal nin gacantii ku jiro, dastuur iyo Baarlamaan toona lahayn,

Shirkadaha ganacsiga oo idilna ay dowladda leedahay, shatigana uu kaligii taliyaha bixinayo, lana siinayo inta uu isagu raalliga ka yahay iyo inta eex lagu naas nuujinayo, ruuxii qaangaar ah waxaa qasab ku ah in uu tabbar ciidan qaato.

Mucaaradna ma jiro, waa mid la dilay, la xabisay, kii baxsadayna ubbadkiisa iyo ehelkiisa laga gooyo.

Muwaaddinku haddii uu safrayo waa inuu oggolaasho Dowladda ka helaa. Dalkaasi waa Eritrea, Soomaaliyana xukun sidaa u eg ayey 21 sano soo martay.

Farmaajo iyo raggiisa odayga Eritrea ayey tufta xukunka ka soo qaataan, maadaama dawladii duntay ay sidaa u ekaydna, xukunkii odaygii hore hilow baa u haya.

Laakiin ma sahlana in Soomaaliyada maanta loo celiyo sidii ay 30 sano ka hor ahayd, balse isku dayga iyo iska caabbinta ayaa qiimo culus ugu kacaya dalka iyo dadkaba. Si taas loo yareeyo waa in halistaa aragti mid ah laga yeesho, la isla garto dhagarta rajiimka iyo kuwa gadaal ka taagan, damaca dib loo liqo, lana helo midnimo lagu wajaho marxaladda adag ee nagu soo socota.

Leave a Reply