Siyaasiga cabdiraxmaan cabdishakuur” Go’aannada dagaalka, ciidanka iyo amniga loogama amar qaadan karo cid aan sharciyad haysan..

Thursday “9” December 2021″ Muqdisho

Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxda dowladda wuu dhammaaday. Go’aannada dagaalka ciidanka iyo amniga loogama amar qaadan karo cid aan sharciyad haysinin. Dowladda Turkiga ee aan walaalaha nahay waa in ay hubiyaan waxa loo adeegsanayo darooniska (drones)ka ay dalka keeneen, saraakiisha loo tababarayo, waana in ay犀利士 hubiyaan in aan dano shakhsi ah iyo dagaal aan midka argagexisada ahayn loo adeegsanin.

Maaddaama uu macallinka seddax geesoodka uu mid qur ah yahay, ficilka, tabta iyo fulinta ardayda waa isku mid. Sidoo kale laacibitiinka gobolka iyo kuwa dowliga ah ee ku lugta leh.

Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay

Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado. Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.

Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay

Leave a Reply