Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
26″ January “2022” Muqdisho ”
Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada federalka General Muqtaar Xuseen Afrax,xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka soo horjeestay ciidankii maanta la geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,
Shir jaraa’id oo ay qabteen ayaa waxa ay ku sheegeen in ciidankaas aan Beledweyne loo geynin arrimo amni doorasho iyo mid Shabaab, balse ujeedka yahay in dadka lagu cabsi geliyo, waxaana ay ku baaqeen in degdeg looga soo celiyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumada Federalka General Muqtaar Xuseen Afrax ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne aan lagala tashan ra’iisul wasaaraha dowladuna ay go’aan ka soo saari doonto.
Ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne ma aha mid lagala tashaday ra’iisul wasaaraha, dowladuna waxa ay ka soo saari doontaa go’aan,mana u baahna inciidan lagu xaliyo arrinta Beledweyne,ciidamadana waa inay ku ekaadaan xeryahooda,kacdoono siyaasadeed ayaa ka jira Beledweyne waxana ay u baahan tahay in wadahadal lagu xaliyo dad ayaan u xilsaaran oo ah siyaasiyiin iyo oday dhaqameedyo.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre, Xil Cabdirisaaq Cumar, xildhibaan Maxamed Xasan Qoono iyo agaasimihii hore NISA Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo siyaasiyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa shirka jaraa’id ee loogaga hadlayay arrimo la xiriira ciidamada la geeyay maanta magaalada Beledweyne.
Sidoo kale waxaa ka horyimid ciidamada la geeyay magaalada Beledweyne Midowga Musharaxiinta oo soo saaray qoraal ay ugaga soo horjeedaan ciidamada la geeyay Beledweyne.
Madaxwaynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay ciidamo maanta ay dowlada federalka geysey magaalada Beledweyne.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa ku tilmaamay ciidamada ay dowladda federaalka geysay Baledweyne mid jabinaysa heshiisyadii doorashada.
Madaxwaynihii hore ee Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu so dhigay barta uu tweetar-ka ku leeyahay waxaa uu ugu baaqay rai’sul wasaare Maxamed Xuseen Rooble in in uu tallaabo qaado.
“Tallaabadani waxa ay tahay mid lagu daandaansanayo shacabka reer Baledweyne oo lagu qasbayo in ay hubka qaataan, islamarkaana ay arrintan tahay dharbaaxo wajiga loga dhaftay tahay rai’sul wasaare Rooble.”ayuu yiri Waare.
Diyaarado sidey ciidamo laga daabulay magaalada Muqdisho ayaa la geeyay maanta magaalada Beledweyne oo lagu wado in dhawaan ay ka dhacdo doorasho qaar kamid ah kuraasta golaha shacabka.