11-May-2024- Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu bogaadiyay inay wax ka bedeshay warqaddii ay ku dalbatay in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya ee magaciisa loo soo gaabiyo (UNSOM).
Dowladda dhexe oo warqad u dirtay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya, halkii markii hore ay dalbatay in xafiiska aan loo cusbooneyn joogitaanka Soomaaliya marka la gaaro December 2024.
Arrintan waxaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta dalka qaarkood, waxaana ka mid ah Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdinuur oo qoraal soo saaray ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku boggaadiyay go’aankan, isaga oo sheegay inuu dib u hagaajiyay tallaabadii hore ee uu qaaday.
“Haddii uu wax hagaajiyo sida warqadda masuuliyadda iyo xilkasnimada xambaarsan ee shalay loo diray New York halagu taageero. Yaan laga dhigin qof jabay oo laga adkaaday” ayuu yiri Cabdinuur oo kamid ah saaxibada aadka ugu dhow madaxweynihii hore Farmaajo