7″ April”2022″ Muqdisho
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay go,aankii uu Rooble 犀利士 dalka ugu eryay 48 guhadooda Danjirahaha Midowga Afrika ee Francisco Maderia iyo warqadii uu go,aan kaas kaga soo horjeestay Mdaxweyne Farmaajo.
Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay jn Ugu yaraan uu isbadal ku dhacay 3 safiir oo Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, kuwaas oo kala ah 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah.
“Ugu yaraan 3 safiir oo Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, 3 Ingiriis ah, 3 Midowga Yurub ah, 3 Swedan ah iyo 3 Talyaani ah oo ka tirsan safiirada C6+ ayaa isbedelay 7dii sano ee uu Ambassador Madeira dalka joogay.” Ayuu yiri CC Warsame.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in aysan Horay dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay.
“Horay uma dhicin safiir Midowga Afrika ka socda oo 3 sano ka badan dalka joogay. Dhow jeer oo hore oo ay mucaaradku ka gudbiyeen ashtako la xariirta habdhaqankiisa xeerka diblomaaasiyada khilaafsan iyo xiriirka mugdiga leh ee kala dhexeeya madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo ayaa daafacay. “ ayuu qoraalkiisa Facebook-ga ku yiri Cabdiraxmaan.
Ugu dambeyn, wuxuu yiri ”Waxaan kaloo xog ku haynaa in labo jeer oo la bedeli lahaa uu Farmaajo codsaday in xilka loo cusboonaysiiyo. Madeira si curfiga diblomaasiyadda ka baxsan oo aan sariig lahayn ayuu isku soo qaawiyey. Cidna ma eryin ee isaga ayaa afkiisa isku eryey.”