Somalia ayaa ku furtay guuldaro Tartanka Isreeb-reebka koobka adduunka

16- November-2023-

Bandhig cajiib ah oo ay sameeyeen wiilasha Somalia ee Ocean Starts markii ciyaar taariikhi ah uu dhex maray iyaga iyo xulka Algeria ayaa ku soo dhamaàday 3-1 oo ciyaaryahanada Algeria ee lagu naaneyso Dacawada saxaraha ay ugu awood sheegteen Fardaha Geeska, kulan ka tirsan Isreebreebka Group_yada ee tartanka koobka adduunka ee 2026_da !! 🇸🇴⚽

Xulalka kubadda cagta wadamada Soomaaliya iyo Algeria ayay dhexmartay ciyaari adag oo Somalia ku qasbay guuldaro inay ku furto isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.

Taariikhda Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmiya ku kulmayaan labada xul, dhinaca kale Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

https://twitter.com/BoodhariFarah/statu壯陽藥 s/1725213019808915790?t=sZPSM93HEuRQ1UGPqWFaGA&s=19

Algeria waxeey koobka Adduunka ka qeyb gashay 4 jeer, waxeyna raadinaysaa Inay markeedii 5-aad iska xaadiriyaan koobka aduunka ee 2026.

Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayeey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd, sanadkii 2019 xilligaas Xulkeenu 1-0 kaga adkaatay Xulka dalka Zimbabwe.

Marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda cagta, xulka Algeria waxeey Qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 33-aad Halka Somaliya ay ku jirto booska 196-aad.

Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga soo xulay gudaha iyo dibadda Wuxuu ku jiraa Group-G waxaana ku wehliya Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana

Leave a Reply