Somalia ayaa markii ugu horeeysay qof dumar ah u dooratay in ay noqoto gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka Dheeho.com

28″ April “2022” Muqdisho

犀利士 “wp-block-image”>

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa noqoneeysa gabadhii ugu horeeysay ee qabata xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka 11 aad ee Soomaaliya

Tartan adag oo ay la gashay xildhibaan Caana nuug ay kaga guuleysatay, kadib wareegii ugu dambeeyay ee tartanka doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ay wareegga saddexaad ku tartameen xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuuga ayaa heshay 137 cod halka xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug oo helay 107 cod.

Waa haweynaydii ugu horeysay ee noqota guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka inta la xasuusta taariikhda.

Xildhibaan Sacdiya ayaa lagu soo doortay deegaanada Puntland

Leave a Reply