Abuuritaanka Jahwareer Amni oo is hortaaga jawi doorasho waa fursada uu raadinayo farmaajo si uu Isaga sii fadhiyo Villa somalia

5″ April “2022”DHEEHO

Somalia” waxay wajaheeysaa Cabsigalin la doonayo in lagu caraqaladeeynayo doorashada gabagabada maraeeysa

Farmaajo oo madaxweyne ayaa judo sanad ah si,sharci ahayn u fadhiya guriga somaaliya looga arimiyo Isaga,oo caqabad ku ah in la soo door to madaxweynihii Isaga badali lahaa

Dad badan oo Somali ah waxay rumeeysan yihiin in qoraalada uu yahay mid ay ka danbeeyaan farmajo iyo fahad yaasiin oo maalgalin ka hela dowlada Qatar,.

tan iyo markii ay muuqatay in uu soon dhamaanayo doorashadii kuraasta baarlamaanka ee deegaanada maamul,goboleeyada waxaa kordhay weerarada argagixisada shabaab ee lagu bartilmaameedsanyo goobaha muhiimka ee dowlada sida airpotka iyo xarunta xalane si,loo abuuro jawi amnidaro qalqal aaney suurtagal ahayn in dalku ku aado doorasho,tiiyoo balantu tahay in 14 April la dhaariyo xildhibaanada

Markii gudiga doorashada ay guda baleen bixinta shahaadooyinka iyo aqoonsiga xildhibaanimada waxaa soo baxday in kuraasta loo Marat habraaca qaldan ay waayi doonaan aqoonsiga xildhibaanimada taas ka careeysiisay farmaajo iyo fahad yaasiin oo isbaaro u dhigtay in ay yimaadaan xildhibanada k/galbeed marks laga reebo shiiq aadan madoobe oo Isaga ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka gudoomiyanimada baarlamaanka 11 aad

NISA Ayaa Abuurtay Jahwareer amni oo Noqday hadalhaynta ugu badan ee bulshaa mar壯陽藥 kii boggeeda Twitter ka ay soo dhigtay qoraal argagax dhaliyay si, hubanti la,aan ay u noqoto qabsoomista doorasha chawrka mar dib u dhacday

HADALKA NINSA AYAA IMAANAYA IYADA,OO R/WASAARE ROOBLE Uu SHEEGAY IN LOO HANJABAY ,

Al-Shabaab ayaa iska fogeysay wax ay ugu yeereen qoraal shirqool ah oo kasoo baxay hay’adda NISA SIdii Ay Isaga fogeeyeen Dilkii Ikran Tahliil oo NISA lagu Tuhmayo

Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay shirqoolka lagu sheegay qoraalkii kasoo baxay hay’adda NISA ee ahaa in kooxdan ay beegsaneyso madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Qoraalka oo lasoo dhigay barta ay NISA ku leedahay twitter-ka ayaa lagu yiri “Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.” 

Si kastaba, sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta kooxda, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray NISA, isaga oo sheegay in NISA aysan awood u laheyn inay ogaato howlgal ay Al-Shabaab ku beegsaneyso mas’uuliyiinta dowladda.

“Waa wax aad loogu qoslo runtii. NISA waxay ogaan waysay markii aan mas’uuliyiinta iyo saraakiishooda xafiisyada iyo xarumahooda ugu dhacaynay. Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waaweeyn markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn dowladda,” ayuu yiri sarkaalka lasoo xigtay oo aan la magacaabin.

Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen,” ayuu ku daray.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay inuusan haba yaraatee jirin nin lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab, iskaba dhaaf inuu yahay sarkaal sare oo u xilsaaran khaarijinta Rooble iyo Farmaajo.

Waxa uu intaas ku daray in hadalka kasoo yeeray NISA uu muujinayo inay dhibaato ka dhex jirto dowladda, islamarkaana, sida uu hadalka u dhigay NISA “diyaarisay qorshe ka dhan ah qaar ka tirsan madaxda ugu saereysa dowladda.

“In kasta oo ay madaxda iyo saraakiisha dowladduu mar walba bartilmaameed noo yihiin hadana ma aqbalayno in ay dhibaatooyin dhexdooda ah annaga nala soo doontaan,” ayuu yiri.

Jawaabta Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tuhunka ka dhashay qoraalka oo siyaasiyiin badan ay ku macneeyeen hanjabaad toos ah oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Rooble.

kooxda shabaab horey waxay Isaga fogeeysay dilkii sarkaalad Ikran tahliil oo lagu tuhunsan yahay Hayadda NISA

Taliye ku-xigeenkii NISA oo sheegay qorshe ay xildhibaano isku qarxin rabaan Xalane

 Taliye ku-xigeenkii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay inuu jiro qorshe is-qarxin ah oo qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ay ka fulin rabaan Xalane.

Ismaaciil ayaa sheegay in xogta qorshahaan ay heleen wakiilada beesha caalamka ee degan xarunta Xalane, ayada oo qorshahaan fulintiisa loo xil saaray shaqsiyaad kamid ah golaha shacabka ee cusub

Taliye ku-xigeenkii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan

Bartilmaameedka u weyn ee qorshahaan ayuu ku sheegay inay tahay safiirada beesha caalamka ee ku sugan Xalane iyo madax kale oo uusan si shaacsan u carabaabin.

“Qolyaha Xalane degen ayaa helay Xog iyo qorshe ah in qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook

Waxa uu intaas kusii daray qoraalkiisa “Qoraalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qorshaha Villa Somalia.”

Qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa imanaya saacado kadib markii uu Taliska NISA soo saaray digniin qeyrul caadi ah oo ku aadan shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.

“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan. Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegashadeeda.

Arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay in uu helay hanjabaado dil, islamarkaana siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareerayay doorashada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay kaga hadlay digniin ay soo saartay Hay’adda NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Somalia In Ay Noqotay Dal Xoog Lagu Haysto Waxaa Ka Aamusi Waayay Cumar C/rashiid Oo Soo Noqday Raysilwasaare” Hore Wuxuuna Yiri “

Digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” 

Beeshe Caalamka oo walaac ka muujisay carqaldeeynta doorasha gabagabada mareeysa

Waxaan ku boorinaynaa in horay loogu socodo u-diyaar garowga dhaarinta 14-ka Abriil xitaa iyadoo ay socoto howsha xalinta arrimaha kale ee taagan iyo dhameystirka kuraasta ka harsan Hirshabelle iyo Jubaland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka oo geesta kale walaac ka muujiyay digniinada isi,soo taraya iyo cabsigalinta amniga ee la rumeeysan yahay in lagu caraqaladeeyo doorashada gabgabada maraysa