6″ Aug”2022″ Dheeho Webmaster
SOMALIA” dowlad dareen Moog ah oo qarka u saaran in ay dalaq 壯陽藥 tiraahdo dagaal cusub iyo dabin halis ah Dheeho.com
Soomaliya oo goor dhow uu soo dhisay R/wasaare Xamza xukuumad cusub oo salbalaaran oo aysan dhicin Asxinta golaha baarlamaanka iyo xil Isku,wareejinta wasiirada magacaaban iyo kuwii hore ayaa waxaa ka soo baxay wasaaradeeda arimaha dibada warqada u bandhigaysa in ay ka qaybagasho murano caalami ah
Warsaxaafadeed aan wadan cadeeyn muujinaysa saxiixa cida soo saartay oo u muuqda in ay ku simbiriirixdeen warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa ku baaqaya somalia in ay shiinaha garab taagan tahay
Warsaxaafadeedkan oo somalia oo ah dal dimoqoraadi ahka qaybgalinaya is,mariwaaga u dhaxeeya shiinaha iyo maraykanka ee arimaha Taiwan ayaan waxba ka duwaneeyn Somalia oo colaad u cadeeysay reer galbeedka tiiyoo ay suurtagal tahay in uu yahay been abuur
Raysilwasaare Xamza iyo xukuumadiisa cusub ayaa looga fadhiyaa go,aanka warqadan oo aan u qorneeyn si diplomacy ah
Waxaana warqada wasaarada arimaha sumadeeda ku asteeysam uu yahay mid suuqa laga heli karo
BEEN ABUUR CAD
Xitaa hadii warqadan uu yahay mid uu soo saaray xubin ka tirsan masuuliyiintii hore ee wasaarada arimaha dibada waxa been abuurkeeda cadeeynay cabsida qofka oo soo saaray oo magaciisa qariyay iyo shaabad la,aanta warqada
isticmaalka magaca wasaarada arimaha dibada iyo shaatiga dowladnimada oo afkaar gaar oo loo adeegsado somalia ma ka yahay
wasaiirkii hore ee arimaha ayuu Raysiwasaare rooble shaqada ka joojiyay markii uu magaca dowladnimada ku fasaxay Markab siday dhuxul sharci daro ah oo lagu qabtay dekada dalka Cuman
Warqad ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu baabi’iyey go’aankii uu wasiirka Cabdisaciid Muuse ku fasaxay Markabkaas, maadaama uu khilaafsan yahay shuruucda qaranka iyo kuwa caalamka, khatarna uu ku yahay qaranka.
Sido kale Ra’iisal wasaarihii hore ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda Cabdi saciid Muuse Cali .
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray xafiiska hantidhowrka qaran iyo hay’adaha amniga in ay baaritaan ku sameeyaan falkaan iyo sidii uu dhacay ayna ugudbiyaan hay’adaha garsoorka ee ku shaqada leh.