Somalia” Dumar Dayacay Door Ay Mudanaayeen

13″ March”2022″ WQ, Elmi Osman Farah “Boodhari”

Inta badan waxay ku dhawaaqeen in ay ka tanaasuleen intii aan tartanka la gudagalin dumarkii loo soo taagay doorashada kuraas ay xaq u leeyihiin iyo kuwa aysan xaq u lahayn iyaga oo loo isticmaalayo malxiis boos celia ah ama lacag ku badalanaya in lagu horgooyo siyaasi u ordaya kursi

DUMAR SUGAYA IN LAGU CASUUMO SIYAASADDA

Daneeyayaasha doorashada soomaaliya ayaa la yaaban dumarka soomaaliyeed oo xaqiiji waayay in qaataan doorkii loo qoondeeyay in ay Ku yeeshaan baarlamaanka oo ah % 30 iyadoo si taas loo xaqiijiyo uu raysilwasaare rooble gudi u magacaabay

SOMALIA MA JIRO DHAQ,DHAQAAYO XUQUUQDA DUMARKA U DOODA

Dabaayaqadii todobadkan waxaa la xusay maalinta haweenk aduunka ee 8 Maarso iyadoo somalia aaneey jirin hal qof oo DUMAR ah oo soon hadal qaaday hagardaamadii lagu la kacay IKRAAN TAHLIIL oo ahayd sargaalad lagu tuhumayo sadax nin xasaanad ka raadiyay in ay galaan baarlamaanka soo socda

Arimahaas iyo kuwa kale oo isbiirsaday ayaa dalkeen ka dhigaya wadamada safafka hore kaga jia xadgudbyada haweenka iyadoo dhaqdhaqaaqyadu ay riixi lahaayeen haweenka waxbartay ee siyaasada hungurigu ka jiro iyo soo dhicinta xuquuqdooda

8 Marchaawenkah iyo Ikraan Tahliil

Prof: Yahya Amir oo ka hadlay sida dumarkii soomaaliyeed ee xusay maalinta haweenka aduunka ayu dayaceen xuquuqdooda markii ay soo hadal,qaadi,waayeen Ikraan tahliil faarax oo aaney cid ka mudnaan lahayd in looga hadlo munaasabada 8 da Maarso

Maanta waa 8 March, Maalinta loola baxay Maalinta Haweenka Aduunka.waxa ey ku bilaabatay Haween Ruush ah oo Banaanbaxayay wakhtigii Dagaalkii 1aad ee Aduunka. iyaga oo Dalbanayay Rooti iyo Nabad. (waxa ey aheeyd khamiis 17kii Febrayo 1917, Lakin, Kalandarka aan isticmaalno ee “Gregorian” waxa ey ku beegantahay 8 March).

Maanta uma jeedo Dhoolatuskii Haweenku Sameey jireen, ma waxa ey go’aansadeen in ey iska dhaafaan ku dayashada Haweenka Ruushka?.

Mise Sabab ey u dabaaldagaan maba jirto. Haweenka Somalidu Maanta ma heeystaan ( Rooti iyo Nabad ). waxaa ka sii daran waxaa u taal Tacsidii Ikram Tahliil, weli ma arag Ururka Haweenka Somaliyeed oo u doodayo Ikram Tahliil.

Ma urur Raggu Xakumaa? oo aan Rabin in ey Qaan u qabsadaan Ragga Ikram lagu tuhmayo. Mise waa Urur u doodo Xuquuqda Haweenka Dhiban ee Somalida? Mise waxa ey go’aansadeen iyaga oo Tacsiyi u taal in ey Gurbaano garaacaan?

壯陽藥 has-custom-size” style=”font-size:34px”>Doorashada Soomaaliya iyo Waxa Dastuurka uu Ka Qabo qoondada dumarka

Sida dastuurka uu qabo, dumarka way qaban karaan xilalka ugu sarreeya ee Soomaaliya, balse maxay yihiin buuraha caqabadda ah ee ku gudban?

Dumarka qaar waxay ka baqayaan qoondadii ahayd boqolkiiba 30 ee doorashadii hore in hadda ay waayaan, iyadoo QM at Mar Kale Ku Baaqday In La Ilaaliyo Qoondada Haweenka xili Qaramada Midoobay Haweenka Soomaaliyeed ay ugu hambalyaysay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka,

Qaramada midoobay ayaa xustay dadaalkooda hagar la’aanta ah iyo gacansiintooda baaxadda leh ee horumarinta nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dalka.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu raaciyay.

WAA SOCOTAA

Leave a Reply