15″ November “2022 ‘ CBS News
Isbitaalada Soomaalida oo ay gaajo ka dhalatay isbedelka cimiladu ay ugu dhimanayaan carruurta
In ka badan laba sano oo roob la’aan ah, wax la cuno ma jiraan abaaraha iyo cunto yarida ka jirta Soomaaliya ayaa loo aaneeynayaa in ay tahay dhibaato ka dhaltay sbedelka cimilada iyadoo dhibanayaasha cimilada ay yihiin Carruurta Somalia ooy ku jiraan kuwa ugu da’da yar, CBS News ayaa booqatay Magaalada Baydhaba waxayna ka diyaarisay warbixin calool xumo leh oo maqal iyo muuqaal ah
Ku dhawaad kala bar 16-ka milyan ee qof ee ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya gaajo aad u daran–In ka badan saddex meelood meel 5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ee ku nool bariga Afrika ayay haysaa nafaqo-darro ba’an-Gaajada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ay keento ayaa ah in hal cunug oo Soomaali ah la dhigo goob caafimaad daqiiqad kasta.
Magaalada Baydhabo goob lagu xanaaneeyo caruurta waxaa ku jira ilmo kasta oo ka yar shan sano, kuwaas oo dhamaantood la dhigay cusbitaalka ay sababeen abaarta isbedalka cimiladu keentay ee qarankooga gaajo iyo macaluul u keentay.
Dadka duruufeeysan ayaa si dhuumaaleeysi uga imaanaya deegaanada ay wali ku sii danbeeyaan kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab oo xiriirka la leh ururka al-Qaacida kuwaas oo dadka ka xannibay hawlahii bini’aadantinimada, taas oo qayb ka ah xakameeyn la,aanta masiibada, .
Sahan la sameeyay 2020 ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka labaad ee ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada adduunka, abaartuna waa sida ay khatartu u muuqato.
Cisbitaalka Baydhabo, ee koonfurta engegan ee Soomaaliya, waxaa uu qaabilay kuwii ugu da’da yaraa ee ku jira cusbitaalka. In ka yar hal sano jir, ma ahayn oo kaliya miisaan yar laakiin waxa ay qaarkood la ildaran yihiin shuban iyo qandho–Haddii aan isbitaalka la keeni lahayn Isaga oo daweeynaya, mid ka mid ah dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay u badan tahay inuu dhiman lahaa.
Dhakhaatiirtu waxay arkaan kiisas badan maalin kasta iyadoo sariiraha isbitaaladu ay si dhakhso ah uga buuxsamaan qaybta carruurta ee ICU.
https://www.ipcinfo.org/famine-facts/
Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa ka digay in ka badan bil ka hor in uusan “shaki ku jirin” in ay mar horeba macluul ka jirtay Soomaaliya.
Ku dhawaaqida macluusha ee rasmiga ah waxay timaadaa marka gobol ama qaran buuxiyo shuruudo cayiman oo ku saabsan heerka dhimashada, amni darrada iyo cabbirada kale. Ma kicinayso jawaab-celin sharci ah, laakiin waxay inta badan kicin doontaa beesha caalamka si ay u caawiyaan si degdeg ah.
Markii ugu dambeysay ee macaluul looga dhawaaqay Soomaaliya, sanadkii 2011, in ka badan 250,000 oo qof ayaa nafaqo darro ugu dhintay, kuwaasoo kala bar ay da’doodu ka yar tahay shan sano jir.
Inkastoo dunidu ay xiligaas wacad ku martay in aanay ogolaanayn inay dhacdo mar dambe.
Hadana Macluusha , Nafaqo,darada iyo Abaaraha daba dheeraaday ee geeska africa waxay u muuqdaan Caruurta Soomaaliyeed in ay ka dhigeen kuwo loogu yeeri karo dhibanayaasha cimilada