8″ February “2022” By / Elmi O Farah Boodhari
Sanadguuradii koowaad ayaa u buuxsantay Maxamed C farmaajo oo maanta oo kale sanadii hore ee 2021 dii ay ugu ekeeyd mudo xileedka xaafiiska madaxweyneynanimada somalia .
4 sano ayay ku asteeysan tahay somalia in uu joogi karo Villa Somali oo ah guriga dalka looga arimiyo hogaankii si,sharci ah ay u soo doortaaan barlaamaan laf,ahaantiisa ku yimaada doorashada hogaan dhaqameedyada beelaha soomaalidu ka kooban tahay
Somalia sidaas waxay ku soo caanamaashay ilaa 4 madaxweyne oo farmaajo ka horeeyay, Hayaankaas dowladnimo ayaa ahaa heshiis ka soo biloowday deegaanka carta ee dalka Djibouti, kadib burbur sanado qaatay oo ka danbeeyay dagaalkii lagu riday dowladii kalitaliska ahayd ee siyaad bare “
Laakiin waqtigaas ka dib Somalia waxaa u baryay WAA CUSUB waxay gashay jawi dagan oo ku dhisan hanaan awood qaybsi beeleed ah oo gole baarlamaan dalku sharci dajiye ka yah犀利士 ay lana xisaabtamo xukuumada, taasi waxay horseeday in ay diiwaanka u gasho Somalia in ay qaaday dhabaha dimoqoraadiyada markii caalamku arkay si, nabad ah iyaga oo talada laysugu wareejinayo
Halista dalku wajahay markii uu waayay hogaan sifo sharci leh
Madaxweynihii hore ee somalia maxamed c/laahi farmaajo waxaa 4 tii sano ee uu sharciyada haystay laga bilaabo 8 dii February 2017 kii ilaa 8 dii February 2021 dii mudada u dhaxeeysay uu ku mashquulay diyaarinta hagar-daamooyin waaweyn oo halis galin kara jiritaanka Umadanimo iyo midka qaranimo ee somalia
Kuwani waa qaar ka mid waxyaabaha lug jiidaya in dalku u aado isbadal ku yimaada si nabad ah,
Waa dhaqan aan dowladnimada meelna ku lahayn, waa sifo cadwtinimo oo aan ka suurtagalin siyaasi wadani ah,
Maxaad ku timaami lahayd guuladarooyinka hogaan fashilmay oo garwaaqsi ha joogtee wali ku howlan sidii dalku uu dib ugu laaban lahaa mashaqooyinkii uu soomaray
1 ) SAAMEEYNTA FARAGALINTA QATAR AY KU YEELATAY SIYAASADA IYO AMAANKA SOMALIA
2) ABUURITAANKA QORSHE DAMAC, GALIYA ETHIOPIA OO KU AADAN QAYRAADKA SOMALIA
3) DHISMAHA CIIDAMO ISBAHAYSI XULUFO OO QATAR AY MAALIGALISO
4) U ADEEGSIGA AWOODA DOWLADNIMO DADKA RAYIDKA AH
5 ) ISKUDAYGII MUDO KORORSIGA IYO DAGAALADII KA DHASHAY
6) BAABI,INTA SHARAFTA QOFKA SOMALIGA AHA OO SHAQSIYADIISA LA IIBSADO
7″ DILAL IYO CABSI GALIN QOFKII KA HORYIMAADO AFGAARTIISA
8) ABUURITAANKA KOOX SHABAKAD DANEESTAYAAL ISKU XIRAN AH
9) Iska horkeenka qabaa,ilka somaalida oo dhaxdooda cuqdad lagu kala beero
10). Bahdilka Aqoonyahanka indheergaratada oo laga fogeeyo hayaddaha dowladnimada iyo ilma yar yar oo siyaasiin
IMAANSHIHII ROOBLE IYO BIXITAANKII KHEYRE MAXAY KA BADASHAY HALISTII TAAGNEEYD ?
Iyada oo isugu xiran yihiin caqabadahaas hagardaamada qaran ah ayaa farmaajo waxay is,qabteen khayre markii uu ku gacanseeyray meelmarinta qoryaashaas oo dowlada Qatar ay laba mar u yeertay iyadoo kala hadleeysa hirgalinta wax uu khayre u arkay in ay dib u dhac u keenayso dalkiisa.
Laakiin dhaqaalaha dowlada Qatar iyadoo la isticmaalayo qayre waa la riday,waxaana 50 maalmood ka dib farmaajo uu keenay Rooble
In kastoo Kheeyre iyo Rooble loo diiday in ay xil isku wareejiyaan iyada oo la qarianayo qaladaad maaliyadeed oo la galay mudadii u dhaxeeysay labada raysilwasaare hadana Rooble waxa uu biloowgii bore isu muujiyayay in uu yahay nin dabcsan waxayna Isbadalkaas Qayre iyo Rooble ay farmaajo tustay in uu somalia uu ka hirgalin karo doorasho macmal ah oo Isaga uu ku soo laabto iyo in uu belay raysilwasaare aan lahayn wax damac siyaasadeed oo u soo dhisa xukuumad uu isticmaalo ololihiisa doorashada
MAXAA DHACAY ?
LA SOCO QAYBTA 2AAD
WQ ELMI OSMAN FARAH BOODHARI