5- June-2023- Dheeho.com
Somalia : Heshiis dhaliyay Aragtiyo Iska soo horjeeda.
Hindisaha U guuritaanka hanaanka dowladnimada caalamiga ah kadib 23 sano oo uu dalku kusoo jiray nidaam dowladnimo ku saleeysan awood qaybsiga beelaha iyo doorasho ay hormuud ka yihiin odayaasha qabaa,ilka ayaa dabeylo ku furay jihada siyaasadeed ee uu dalku aadayo .
Nidaamka dowladnimada caalamiga ah Somalia waxay ahayd mid sababo badan aawgood aaney suurtagal aheyn muddo tobanaan sano ah,
Laakiin ku dhawaawistii hoggaamiyaha Somalia Xasan shiikh maxamuud iyo madaxa xubnaha madasha wadatashiga qaran ee hindisaha cusub oo Soomaaliya ku soo celinaya hanaan dimoqoraadiyad, dowlanimo caalami ah iyo doorashooyin qof iyo cod ah oo ugu dambeeysay dalka 1967-dii,
Dalabkan ayaa noqday mid kor u qaaday duufaan,daaha ka rogeysa dildilaacyo hor leh si, ay u dabarto dadaalada dowlad u dhaqaaqday dib u xoreynta dal ay mudo dheer isku fidineeysay argagixiso.
Hogaamiyayaasha ayaa isku raacay in meesha laga saaro xilka Ra’iisul wasaaraha ee heer federaal, laguna badalo hay’ad fulineed oo ay hogaaminayaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo ay shacabku soo doorteen, kuwaasoo si wada jir ah ugu tartami doona hal tigidh.
Madasha wadatashiga qaran ee NCC waxay soo jeedisay laba xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.
“Waxaa jiri doona nidaam madaxweyne oo ay dadku si toos ah u dooran doonaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Hadda, baarlamaanku waxay u codeeyaan madaxweyne, ka dibna u magacaabaya ra’iisul wasaare si uu u hoggaamiyo hayada fulinta .
“Dalku wuxuu yeelan doonaa oo kaliya laba xisbi siyaasadeed oo si dimoqraadi ah ugu tartami doona codka dadka,” ayay tiri
Dhibaatada amni ee Soomaaliya, dhaqaale la’aanta iyo qabyaaladda xididaysan ayaa inta badan isu biirsaday si loo xaddido suurtagalnimada dowlad caalami ah iyo doorasho qof iyo cod ah.
Mid kasta oo ka mid ah shanta gobol ee federaalku waxa uu leeyahay jadwalka doorasho ee u gaar ah. Dhammaan, marka laga reebo gobolka banaadir, waxay doortaan hoggaamiyeyaashooda maxalliga ah afartii sanaba mar, iyagoo isticmaalaya qaabab dadban.
Tan iyo shirkii dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee Djbouti sannadkii 2000, Soomaalidu waxay isticmaalaysay nooc awood qaybsi ah oo lagu suntay 4.5, taasoo saami la mid ah siinaysa 4 qabiil iyo badh (0.5) oo la siiyay isbahaysi ay ku midaysan yihiin qabiillo yaryar.
Doorashadii ugu dambeysay ee habka awood qeybsiga ee 4.5 ayaa Madaxweyne Maxamuud dib ugu soo celiyay Villa Soomaaliya bishii May ee sanadkii hore.
Guuleed Dheere oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in meesha laga saaro nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday matalaad dhab ah oo shacabka.
“Siyaasiyiinta gudan waaya waajibaadkooda waxaa lagula xisaabtami doonaa shacabka hortiisa ” ayuu ku dooday.
Dhanka kale Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa heshiiska NCC ku tilmaamay mid aan wanaagsaneyn.
Somalia:Ma-Waxay Jaleecday Dimoqoraadiyadii Jirtay Ka Hor Afgamigii Militariga ?
Madaxweyne Maxamuud ayaa yiri “Heshiiskaan waxaa uu dalku uga gudbi doonaa Ku-meel-gaar ah una gudbi doonaa Dastuurka Joogtada ah, dalka waxaa uu yeelan doonaa Xisbiyo Siyaasadeed oo la aqoonsan karo, dalka waxaa ka dhici doona Doorasho Dimuqraadi ah oo waqtigeeda ku qabsoonta, dalkana waxa uu ka faa’ideysan doonaa xasilooni”.
Dhacdo kale oo ka dhacday Muqdisho Axadii, RW Xamza Cabdi Barre ayaa u sheegay dadweynaha magaalada in heshiiskii NCC ee la gaaray uu ka caawin doono Muqdisho sidii ay u heli lahayd ‘Maqaamka Gaarka ah ee Caasimadda’ ee dastuurku oggol yahay.
“Marka sanadka soo socda dadka Muqdisho ay doortaan la taliyayaashooda maxalliga ah, waxay dib u soo celin doontaa awoodda dadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Heshiisku waxa uu dhaliyay aragtiyo iska soo horjeeda.
Dhiirrigeliyayaasha heshiiska la gaaray waxay filayaan in guddi si gaar ah loo xilsaaray ay wax ka beddelaan qodobbada ay ku muujinayaan Dastuurka KMG ah, kaas oo laftirkiisa uu khuseeyo in dib u eegis lagu sameeyo wax ka beddelka dib u dhacayda.
Hal hab oo uu taageeray Madaxweyne Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada ee ay isku fikirka yihiin ayaa ku booriyay geeddi-socodka dowlad dhisidda in la dardargeliyo in kasta oo ay jiraan qaylo-dhaan ka imaaneysa siyaasiinta diidan qorshahan cusub
Tusaale ahaan, waxay door bidaan in meesha laga saaro jagada ra’iisul wasaaraha taasoo sababtay khilaaf joogto ah oo u dhexeeya madaxtooyada iyo fulinta.
Midda kale waxay door bidaysaa hannaan taxaddar leh sida dejinta nidaamka xisbiyada badan, nadiifinta caqabadaha amniga iyo dhammaystirka tirakoobka dadweynaha iyo aqoonsiga muwaadinka si loo qabto diwaangelin habboon oo codbixiyayaasha doorashooyinka ka hor.