25- January
Dib u Xoqista Nabarada Colaad Duugoowday Oo Raad Mugdi Ah Ku Leh Somalia & Itoobiya Ayaa U Muuqata Inay Carqalad Cusub Ku Abuureyso Geeska Afrika !! Warbixin !!
Itoobiya oo lumisay marin biyoodkeedii badda cas horraantii sagaashamaadkii markii gobolkii ay markaas ka talinaysay ee Eritrea uu ka go’ay dalkaas dagaal saddex iyo toban sano socday kadib ayaa hada kicisay Olole uu horkacayo Abiy, oo doonaya in dalkiisa uu dib u helo marin badeed .
Madaxeeynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi farmaajo oo ku quudiyay Adisababa talaabo rajo,galin ah ayaa ku dhawaaqay balanqaadka 4 dakadood ah, oo Itoobiya ay ka hesho badda Somalia, taas oo asaaska u dhigtay yididiilo weeyn oo in mudo ahba uu ku naaloonayay Maamulka Abiy ka hor inta uusan hogaamiyaha gobolka Waqooyi ee Muusa Biixi la sixiixan heshiis Is Afgarad ah
Heshiiska Itoobiya ay kaga kireynayso Dekadda Iyo Saldhig Military gobolka Waqooyiga Somalia ee Somaliland ayaa yimid si uu uga careysiisayo Muqdisho, oo muujisay sida ay uga walaacsan tahay in damaca Abiy uu sii kordhin karo xasilooni-daradda Gobolka Geeska Afrika.
Soomaaliya oo heshay taageerada Ururo Iyo dowlado ay Mareykanka, UK Iyo Egypt ugu tun weeyn yihiin ayaa arrintaas kaga jawaabtay mid daandaansi ah, waxayna sheegtay inay ka hortagayso.
Khudbad uu jeediyay bishii Oktoobar, Abiy ayaa u adeegsaday ereyo colaad hurin ah oo dariskiisa taabanaya markii uu si cad u soo bandhigay wado kasta in uu marayo si Itoobiya ay u hesho marin badeed, Isaga oo tusaale u soo qaatay hadal uu yiri Janaraal Itoobiyaan ah oo qarnigii 19-aad noolaa kaas oo ku tilmaamay Badda Cas “xuduuda dabiiciga ah ee uu leeyahay dalkiisa”.
Faransiiska oo markasta ka hadla xadgudubka Moscow ee Ukraine ayaa ka mid ah dalalka Itoobiya ku dhiirigaliyay inay u dhaqaaqdo biyaha Somalia Iyadoo Paris ay sadihii u danbeeyay qeyb ka aheyd tababarada ciidamada badda Itoobiya oo dib u dhis lagu sameeyay kuwaas oo hada ku kooban oo kaliya in dhaqdhaqaayo ay ku sameeyaan harada gudaha dalkooda .
Dawladda Muqdisho waxay u aragtaa Somaliland inay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya inkastoo gobolka waqooyi oo laf,ahaantiisa ay ka sii go,een kuwa kale uu ilaa Iyo 1991 kii sheeganayay gooni-isu-taagga – hadana ma jiro wax aqoonsi ah oo ay heshay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci meesha ka saaraya heshiiskaas, waxaana dowladdiisa oo soo dhaweeysay baaqii IGAD ay ku gacan seyrtay soo jeedintii Midowga Afrika ee ahaa in wada hadal lala galo Itoobiya, iyadoo Xukuumada Reysilwasaare Xamsa ay sheegtay in aysan gorgortan ka geli doonin madax banaanida Iyo wdajirka dhuleed ee Somalia
Marka la eego xasillooni darrada daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya, Itoobiya iyo Suudaan iyo si壯陽藥 doo kale Geeska Afrika oo ah goobta istaraatiijiga ah ee badda cas ee ka xigta Khaliijka, falanqeeyayaasha qaar ayaa ka cabsi qaba in khilaafku u soo jiido dhinacyo dibadda ah haddii ay xaaladu sii xumaato Iyadoo suurtagalnimada gacan ka hadal dhexmara uu yahay mid saan,saankeedu muuqdo