
Asmara Oktoobar 09, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
