Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
28″ Jan” 2022 “By/ Elmi Osman Boodhari”
Is,hortaaga boobka kuraasta doorashada ,diidmada dib u dhac mudo dheereeysi salka ku haya Iyo cabsida ka dhalatay dabool saarista kiiskii Ikraan tahliil ayaa daaha ka qaaday dareen shaki galiyay dad badan oo ku saabsan iiritaanka ciidamo magac dowladeed huwan oo aan hoos tagin hayaddaha amaanka xukuumada xil,gaarsiinta
Ka sii darane ciidamadu waxay ambabaxeen Iyadoo ay argagixiso u hanjabayso ganacsiga suuqa ugu weeyn muqdisho ee bakaraaha ,
Wasaaradaha gaashaandhiga, Arimaha gudaha iyo Amniga ay ka soo horjeedaan sararka ciidamadaas oo aysan Ogeeyn sababta loogu daabulay Baladweeyne, iyadoo taliyaasha ciidamada ay horey u sheegeen in ay ka baxeen siyaasadihii ay ku dhax milmeen markii caalamku uga digay
Goiaha xukuumada ayaa cambaareeyay iyaga oo ugu baaqay in ay xeryahoodii ku laabtaan ciidamada baladweeyne loo qaaday oo dad ku dhawdhaw madaxtooyada ay sheegeen in ay amareen qaadistooda Farmaajo iyo fahad yaasiin oo sidaas si,la mid ah ciidamo horey ugu diray magaalada guriceel
Ciidamadu hadii aaney ahay kuwo calooshood u shaqaytayaal ah farmaajo oo waqtigiisii dhamaaday iyo fahad yaasiin boos ugama banana masuuliyad in ay ku yeeshaan amarkooda ayuu yiri aqoonyahan muqdisho ku sugan oo magaciisa ka gaabsaday
DOWLAD YAABAN OO DIGNIIN U DIRTAY TALIYAASHA AAN KA AMAR QAADAN
Golaha xukuumada somalia oo digniin adag u diray taliyaasha Police ka iyo Militariga Gen xijar iyo Gen Odawaa ayaa faray in ay dib xeryahooda ugu celyaan ciidmada baladweyne loo geeyay in lagu carqaladeeyo
Ciidamada la geeyay baladweyne oo loo arakay kuwo lagu carqaladeeynayo doorashada iyo falalka argagixisadu ay ku hayso ganacsiga oo wadajir loo cambaareeyay ayaa looga hadlay shirkii khamiislaha golaha xukuumada ay ku yeesheen muqdisho
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Shirka ayaa waxaa warbixinno laga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada shirka ka qeybgalay, waxaana xoogga lagu saaray in laga hortago cidkasta oo carqaladeynaysa amniga oo ay ugu horeeyaan argagixisada.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda. Ayuu ku yiri R/Wsaaare rooble bartiisa tawitterka
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Yusuf Ahmed Hagar Yusuf Dabageed oo horay uga hadlay in doorashada ay ka yeeli doonaan sida ay rabaan ayaa difaacay ciidamada la geeyay baladweeyne, Isaga oo la hadlayay BBC
laakiin Siyaasiin Iyo xildhibaano oo uu ku Jiro wasiirka Arimaha gudaha oo ka soon needs gobolka hiiraan ayaa mowqif adag iska taagay wax ay ku tilmaameen talaabo qaldan ciidan duulaan ah oo la geeyay ballad weyne si bay yiraahdeen loogu carqaladeeyo doorashada
XALADDA OO FARAHA KA SII BIXI KARTA
Waare ayaa sii xoojiyay shakiga laga qabo ciidmaada ay fahad yaasiin iyo farmaajo ku weeraraan deegankii ay hadaba dan ka gasho waxaana uu su,aal galiyay cida ay ka amar qaataan ciidamadaas oo baladweyne loo diray.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku eedeeyay Farmaajo inuu iclaamiyay dagaal qabiil ayaa u muuqda mid ka turjumaya in xaaladu ay gaartay meehalis ah
Farmaajo firimbi dagaal qabiil ayuu iclaamiyay ayuu yiri waare oo hadlay taleefishinka UNIVERSAL
BIDHAAMINTA CIIDAMO LOO QOORTO QAAB CALOOSHOOD U SHAQAYSTAYAAL AH
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay qiyaamo qaran Wiilal Soomaaliyeed In laga dhigay xaabo lagu guray dab dagaal oo ka socda dal kale
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay warar maalmihii la soo dhaafay ay daabacayeen wargeysyada caalamka oo ku saabsan ciidamada Somaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalka Eritrea inay xasuuq ka geysteen gobolka Tigray ee dalka Ethiopia.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku bilaabay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur;
Waxaa soo baxaya warbixinno ay daabaceen wargeyso caalami ah oo si faahfaahsan u soo bandhigay in dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dalka Eritrea loo qafaalay ay ka qaybgaleen dagaalka ka socda Gobolka Tigreega.Waa danbi laga galay waaliddiintii la khiyaanay ee loo sheegay in ubadkooda dalka Qatar loo qaadayo. Waa khiyaano qaran in wiilal Soomaaliyeed laga dhigay xaabo loogu guro dab dagaal oo dal kale ka socda.
Waa danbi ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee danbiyada dagaalka. Waa in la soo badbaadiyaa inta ka hartay wiilashaas, loona celiyaa ehelkoodii, loona adeegsan dagaal danbe oo bannaanka ama gudaha ahba.”
Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne ayaa hore dhowr jeer uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea oo mudadii loogu talagalay tababarkooda xilli hore uu soo idlaaday.
LA SOCO ” JIRITAANKA CIIDAMO SOMALI AH OO LOO ADEEGSADO BLACK WATER ,CIDA MAALGALISAY IYO SIDA UU KU YIMID QORSHAHAAS AYAAN KA HADLIDOONAA HADII ALLE IDMO
WQ, ELMI OSMAN FARAH ” BOODHARI