11- July-2023- Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir Wadatashi ah ku casuumay Madaxdii hore ee dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed犀利士 eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaaladda dalka uu ku jiro.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.
Somalia Madaxdii hore ayaa ku sii qulqulaya Muqdisho Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Isugu yeeray shir wadatashi ah
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay inuu la kulmo madaxda dalka, sida Madaxweynayaasha, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaarayaashii hore.