7″ March “2023”
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorka ay ku leeyihiin Xalka colaadda Laascaanood, isaga oo u warramay Telefishanka Afka Carabiga ku hadla ee Aljazeera.
“Waxa aanu ka shaqaynaynaa sidii loo joojin lahaa marka hore dagaalka, ka dibna loo furi lahaa wada hadal. Waxaanu aaminsanahay in midnimadu ay tahay xalka kaliya, laakiin ma doonayno in midnimadan loo maro hab rabshad leh, taas oo xaaladda uga sii daraysa” ayuu yidhi Madaxwaynuhu.
Dadka dhaliila madaxwaynaha Somaliya ayaa ku doodaya in aanay xukuumada Somaliya ka qaadan doorkii looga baahna dagaalka Laascanood.
Maalmihii ugu dambeeyay waxa degan xaalada Laascanood oo mudo bil kudhaw uu dagaal ka socday, dagaalkaasi oo sababay khasaare kala duwan oo baaxadleh.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera ee Dalka Qatar laga leeyahay, ayaa ka hadlay ka dowlad ahaan sida ay u arkaan inay wada hadal la yeeshaan Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Ururka Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ku xiray shuruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudahaas oo uusan ku sheegin wareysiga uu bixiyay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xusay in dadka u dagaalama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.
Dagaal dhan walba ah’ oo ka dhan ah Al-Shabaab
Bishii Agoosto ee sannadkii hore, dhowr bilood ka dib markii mar 犀利士 labaad loo doortay, Maxamuud ayaa ku dhawaaqay “dagaal dhan walba ah” oo ka dhan ah Al-shabaab, oo tan iyo 2007-dii waday jabhado ka dhan ah dowladda.