Somalia: Maxaa Laga Yeelayaa Dastuurka Waqtigiisa Dhacayo Maalmo Kadib?

16″ December 2020″ Bbc

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uu waqtigii loogu talo galay ku egyahay muddo xileedka baarlamaanka oo ah daqayaaqada bishan December.

Soomaaliya waxa haatan lagu xukumaa Dastuur ku meel gaar ah, oo la ansixiyay 1-dii August, 2012-kii.BBC

Ansixinta Dastuurka oo tan iyo xilligaas ay howsheeda soo jiitameysay ayey isu gudbiyeen baarlamaannadii dalka, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran.

Xaaladdan ayaa hadda timid xilli Soomaaliya ay kusoo wajahan tahay doorasho, dhinacyaduna ay isku khilaafsan yihiin hannaankii loo mari lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan sheekh Maxamuud, ayaa 13-kii bishan December bartiisa Facebook ku sheegay in muddada dhaqangalka dastuurka kumeel gaarka ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad.

“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo.” Ayuu soo qoray Xasan Sheekh Maxamuud.

SOOMAALIYA

Haddaba maxaa laga yeelayaa arinkan, maadaama dastuurka awalba uu ahaa mid kumeel gaar ah oo la doonayay in la dhameystiro tiro?

Senator Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista dastuurka oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dastuurka la dhameystiray boqolkiiba shan iyo siddeetan, howshiisuna ay wali dhiman tahay oo aan la gaarin xilligii la qabyo tiri lahaa.

Xalka kaliya ee ku aaddan arrinta dastuurka ayuu ku sheegay inay tahay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa dastuurka ku meel gaarka ah.

“Baarlamaanka labada aqal waa iney u codeeyaan oo ay u igmadaan baarlamaanka xiga ee 11-aad inuu sii wado qabyo tiriska dastuurka, sidii horayba u dhacaday oo ay sameeyeen baarlamaankii sagaalaad ee xukuumadii Xasan sheekh Maxamuud.”

Tallaabadaas ayaa sidoo kale qaadaneysa waqti, waxayna u baahan tahay saxiixa madaxweynaha, sida uu sheegay Senator Cabdi Qeybdiid.

Marka uu Baarlamaanka u codeeyo ka dib, waxaa loo gudbinayaa madaxwyenaha si uu sharci ugu soo saaro oo u saxiixo sii wadintaankiisa ah in loo gudbiyo baarlamaanka xiga.”

Cabdi Qeybdiid
Qoraalka sawirka,Senator Cabdi Qeybdiid

Muddadii ay guddigooda soo wadeen howsha dhammeystirka dastuurka ayuu sheegay inay shaqo badan u hirgashay.

“Anaga oo ah guddiyada dastuurka u xil saaran waxaan diyaarinnay sharicigii, waxaana u gudbinay labada aqal ee baarlamaanka waxaana la yeelayaa wixii laga gaari waayay in loo gudbiyo baarlamaanka xiga si ay iyaga u dhameystiraan, sidaas ayuuna ku noqonayaa inuu sii shaqeeyo,” ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Dhanka kale, Cabdi qeybdiid ayaa sheegay inay la wadaageen madaxda labada aqal ee baarlamaanka in dastuurka waqtigiisa uu gabaabsi yahay loona baahan yahay in si deg deg ah loogu howlgalo.

Qodobka 63-aad iyo qodobka 71-aad ee dastuurka ku meel-gaarka ah ayaa baarlamaanka awood u siinaya iney iyaga qabtaan howshaas, waxaana iska leh baarlamaanka federaalka.

Howlaha ugu dambeeya ee dhammeystirka Dastuurka waxaa qeyb ka ah in madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay heshiis ka gaaraan si la isugu waafaqo dastuurka kama dambeysta ah ee dalka uu sida tooska ah u qaadanayo.

Leave a Reply