Somalia Maxay ugu gacan seyrtay “War bixinta Guddiga Qiimeynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika?

18″ Julay 2021″ Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruurtay war bixin lagu baahiya baraha bulshada oo la sheegay in ay kasoo baxday Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee Midowga Afrika, taasoo looga hadlay arrimo ku saabsan howlgalka AMISOM iyo xaaladda Soomaaliya.

Xayeeysiin

War kasoo baxay xukuumadda Muqdisho ayaa lagu sheegay in golaha Wasiirrada ay shir deg deg ah ka yeelanayaan arrintan, dhawaanna bayaan kasoo saari doonaan.

Balse intaan taa la gaarin BBC-da ayaa wareysi falan qeyn ah la yeelatay Faysal Rooble oo ah khabiir ka faalooda arrimaha geeska Afrika waxa uuna sheegayaa in warbixinta ay uga soo baxday laba qodob oo ah sababha Ammisom ku kallifay warbixintan inay soo saaraan.

“Waxaa iga baxay in Midowga Afrika uu dhinac ka war-warsanyahay nabadgalyada Soomaaliya gaar ahaan haddii ay ka baxaan, iyo dhinaca kale oo cagsigeeda ah oo ah inaad mooddo inay rabaan inay Soomaaliya sii joogaan muddo kororsi dheerna ay rabaan inay ku darsadaan, labadaas arrimood baa is garab cararaya marka mid cudur daar ayay uga dhigeen midna waa rabitaankooda sida ay warbixinta qoreyso,” ayuu yiri Faysal.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in xaaladda aminga ee Soomaaliya ay xasilantahay balse aan la saadaalin karin sababtu maxay tahay?

Feysal Rooble

Faysal ayaa sababta ugu weyn ku sheegay inay noqon karto in weli aan la isku waafaqsanayn Axdi Qarameedkii Soomaaliya u yaalay ee la rabay inuu isku tolo isla markaana uu noqdo waxa keliya ee kala saaraaya marka la isku qabsado xag siyaasadeed, xag bulsho iyo xag dhulba.

“Ha noqoto xagga dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada amaba ha noqoto magaalooyinka ama dowlad goboleedyada dhexdooda, waxaan weli adkayn sharcigii kala hagi lahaa, marka xilli kasta oo uu dhaco khilaaf yar waxaa laga baqayaa in arrin weyn ay isku badasho oo khal-khal gelinaya Soomaaliya sida barigii dhoweyd ee shaqaaqadii Muqdisho ka dhacday iyo isku dhicii foosha xumaa, marka waxaa la ogyahay in dhibaatooyinkaasi ay meelkasta ka dhici karaan.”

Maxay noqon kartaa jawaabta ay dowladda ka bixinayso warbixintan Midowga Afrika?

Faysal Rooble ayaa sheegay in jawaabta dowladda Soomaaliya ay noqon karto inay ku adkeysato in iyada ay mas’uul ka tahay madaxbannaanida dalka Soomaaliya.

“Waxay ahayd in marka hore laga tashi geliyo heerka ay maanta Soomaaliya taagantahay iyo talooyinka la keenayo, hadda waxaad mooddaa in kor laga keenay oo la yiri laba arrimood oo midba midda kale ka darantahay kala doorta waxaana u maleynayaa in Soomaaliya ay saxsantahay in arrimahaa ku diiddo.”

Xayeeysiin

“Waxaan rajeynayaa inay dowladda Soomaaliya soo saarto wax barbar cararaya oo talo bixin ah oo ay leedahay tan ayaanu dan moodeynaa isla markaana ay badesho qaraarka iyo talooyinka ka soo baxay Midowga Afrika, hadda waxay u egtahay in taladiiba laga xayuubiyay Soomaaliya lana qiimeyni waayay heerka aanu maanta joogno oo ah in meelo badan Soomaaliya ay isku filantahay marka taa badalkii la naaxin lahaa baad mooddaa in la sii wiiqayo.”

Faysal ayaa ugu dambeyntii sheegay in haddii Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika isugu tagaan Soomaaliya ay dhici karto in muddo dheer ay Soomaaliya gacanta ku hayaan, taana aysan dan ugu jirin dalka.

Maxay ka hadashay warbixinta?

Ma jirto war bixin rasmi ah oo uu soo saaray Midowga Afrika, hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diidday waxyaabaha ku jira war bixintan.

Sida ku xusan qoraalka, Guddiga Qiimaynta Madaxa Bannaan ee ururka Midowga Afrika ayaa warbixintan oo ka kooban 35 bog ku sharraxay xaaladda amniga ee Soomaaliya iyo arrimo ay sheegeen in ay ogaadeen xilligii ay qiimaynta wadeen.

Waxay “guddigu” sheegeen inay qiimaynta billaabeen iyagoo ka tallaabo qaadaya qaraarradii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoogay, oo kala ahaa 2520 iyo 2568 (2021)

Leave a Reply