24- November-2023
Man City v Liverpool: Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda Pep Guardiola ay yihiin kuwa ugu xoogan adduunka
Manchester City ayaa marti galin doonta Liverpool sabtida kulan qaabayn kara tartanka horyaalka Premier league laakiin Jurgen Klopp ayaa sheegay in ayna ahayn tijaabo lagu ogaan karo sida ay Anfield ugu dhawdahay kooxda difaacanaysa horyaalka.
City ayaa ku guuleysatay shan ka mid ah lixdii koob ee la soo dhaafay iyadoo Liverpool ay qaaday kooxda kale – waa labada kaliya ee horyaal tan iyo guushii Chelsea 2017.
Liverpool ayaa badisay kaliya hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ay u safartay City (5-bar-baro iyo 8 guuldarro) – 4-1 ayay ku badiyeen kulankii ugu horreeyay ee Klopp uu booqdo Etihad Stadium bishii November 2015.
Manchester City ayaa kulanka soo galaysa hal dhibic oo ay ka sarayso Liverpool iyo Arsenal oo hogaanka ku haysa, Tottenham iyo Aston Villa ayaa sidoo kale 3 dhibcood u jira hogaamiyayaasha
“Wuxuu iga dhigay mid wanagsan” ayuu yiri Guardiola oo ka hadlaya Klopp.
Isaga iyo kooxdiisa, halkan iyo Dortmund, had iyo jeer waxay ahaayeen xafiiltan weyn, waa ciyaar wanaagsan labadaba, qaab wanaagsan iyo mar walba soo jiidasho leh. Waxa uu iga dhigay tababare wanaagsan isaga oo dhex maraya kooxihiisa.
Laba ka mid ah seddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, Reds ayaa si fiican uga soo gudubtay tartanka horyaalka – laakiin waxay mar kale u muuqdaan khatar ku habboon.
Guul ay Liverpool ka gaarto hogaamiyayaasha haatan, ciyaartii ugu horeysay ee Premier League ka dib fasaxa caalamiga ah, waxay dib ugu soo celin doontaa hogaanka markii ugu horeysay tan iyo May 2022.
“Ma ahan tijaabo [ku saabsan] sida aan ugu dhawaan karno City, kaliya waa ciyaar kubbadda cagta ah oo aad u xiiso badan,” ayuu yiri Klopp.
Tababarihii hore Bayern Munich iyo Barcelona pep Guardiola iyo tababarihii hore ee Borussia Dortmund Klopp ayaa iska horyimid in ka badan inta ay la kulmeen tababare kasta – 28 jeer. Klopp ayaa badiyay 11, iyadoo Guardiola uu ku guuleystay 10.
Waxa ay 4-1 ku garaaceen City xilli ciyaareedkii hore markii Mohamed Salah uu furitaankiisii hore ee Abriil 1 cadeeyay inuu waagu been u yahay kooxda martida ah.
“Sabti waa mid adag, waa kooxda ugu awooda badan aduunka dhowrkii sano ee la soo dhaafay” ayuu yiri Klopp. “Rikoorkeena Etihad ma ahan mid weyn, waxaad ii sheegi doontaa. Aad bay u xoog badan yihiin, ma jiraan wax aan dhihi karo ayaa ka dhigaya kuwa daciif ah, haddii kale waxaan dhihi lahaa mar kale. Sannadkii hore waa uun xusuus.”
Tani waa markii ugu horeysay ee City ay hogaanka horyaalka Premier League ku qabato 12 kulan tan iyo 2018-19.
Dhibcahooda 28 ka dib 12 kulan waxay la mid yihiin ama ka wanaagsan yihiin seddexdii xilli ciyaareed ee la so壯陽藥 o dhaafay, markaasoo ay sidoo kale ku guuleysteen horyaalka (20 dhibcood 2020-21, 26 2021-22 iyo 29 xilli ciyaareedkii hore).
2020-21 waxay ahaayeen sagaal. Xilli ciyaareedkii xigay waxay ahaayeen seddexaad iyo xilli ciyaareedkii hore.