5′” February “2023” Muqdisho
Somalia ayaa Bankiga Adduunka kala hadashay mashaariicda horumarineed ee dalku u baahanyahay kadib kulan Muqdisho ay kula yeetay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga & Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Dheeho.com
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga & Koonfurta Afrika Victoria Kwakwa ayaa uga mahadceliyey Bankiga sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen dowladda Soomaaliya
Madaxweynaha ka hor raysilwasaare xamsa ayaa Kulan looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Somalia壯陽藥 iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan la yeeshay Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Bariga & Koonfurta
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay in marka ay dowladda Soomaaliyeed dhameystirto hannaanka deyn cafinta ay u jeesaneysa fulinta mashaariicda waaweyn ee Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto Kheyraadka badan ee Alle ku manaystay dalka.
Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda ay dib u eegis ku sameyn doonto Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP 9), iyadoo ay halkaas ka iman doonto buu yiri, meelaha ay ahmiyadda saareyso dowladda, Bangiga Adduunkana laga rabo inuu la jaanqaado.
Victoria Kwakwa ayaa dhinaceeda soo dhaweysay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta dhameystirka hannaanka deyn cafinta, amniga dalka iyo daryeelka bulshada, waxayna ballanqaaday in Baanka Adduunku sii wado taageerada kala duwan ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya.
Waxay ku boggaadisay xukuumadda dadaalka ay u gashay meel marinta shuruucda wax ka taraysa dhiirigelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha dalka, iyadoo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay kala sii shaqeyn doonaan hirgelinta mashaariic lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha, kadib marka la dhameystiro deyn cafinta.
Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirrada Wasaaradaha ay quseeyaan mashaariicda horumarineed ee Baanku Soomaaliya ka hirgeliyo