Madaxtooyada Somalia oo markii ugu horreysay ka hadashay dhacdadii BOOSAASO iyo ciidamada tababarka u jooga Eritrea

19″ July “2022” Muqdisho

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, taasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu ka hadlo go’aankii garoonka Boosaaso looga celiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

“Waxaa muhiim ah in Madaxda sare ee dowlad goboleedka Puntland wax lag weeydiiyo,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar.

Sidoo kale waxa uu Afhayeenka cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maalin ka hor lagu weeraray Hotel ku yaalla magaalada Jowhar oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle.

Afhayeenka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii qaraxaasi ku dhintay, isaga oo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, islamarkaana sheegay in madaxtooyada Soomaaliya aad uga xun tahay weerarkaasi qaraxa ah oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab.

Qaraxa Jowhar ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhaawaca ah ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Madaxtooyada Soomaaliya oo beenisay in ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea ay qeyb ka noqdeen dagaalkii Itoobiya ee Tigray.

Afhayeenka Madxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha madaxtooyada ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya.

“Warkaas waa ku-tiri-kuteen, war si rasmi ah oo dowladda kasoo baxay ma ahan, ciidamadaas tababarka waa dhameysteen waana 5 Kun oo askari, 犀利士 dhawaan ayaa lagu soo celinayaa dalkooda si ay u gutaan waajibaadka loo soo tababaray,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar.

Waxa uu sheegay in shanti kun ee askari ee “la la’aa” la helay, madaxweynuhuna kasoo warramay, guddiga waalidiinyta askartaas uu la kulmay.

Warka kasoo baxay Villa Somalia ayaa meesha ka saaraya warar muddooyinkii dambe la isla dhex-marayay oo ku saabsanaa in ciidamadaas ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Itoobiya ee dhex maray dowladda dhexe iyo xoogga Tigray-ga.

Warbixin kasoo baxday Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa lagu sheegay in ciiddan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea ay ku lug lahaayeen dagaalkii lagu qaaday gobolka Tigray-ga ee Itoobiya.

Warbixintaas ayaa lagu xusay in Guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan xuquuqda aadanaha ay soo gaareen warbixin iyo warar sheegaya in ciiddanka Soomaalida ee tababarka milliteri u joogay halkaasi laga qaaday xeradii tababarka lana geeyey Jiidda hore ee dagaalka ee gobalka Tigrayga, waxayna Ciiddanka Soomaalida oo ay wehliyeen milliteriga Eritrea ka gudbeen xuduudka dalka Itoobiya.

Sidoo kale, doorashada madaxweynaha Soomaaliya ka hor siyaasiyiinta mucaaradka oo uu kamid ahaa madaxweynaha hadda la doortay ayaa si weyn u faafin jiray in ciidankaas loo isticmaalay dagaalka Itoobiya, balse waxaa hadda muuqata in arrintaas ay aheyd wax la xiriirta siyaasad iyo olole doorasho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan tagay dalka Eretariya ayaa la kulmay ciidamada tababarka ku dhameystay dalkaas, wuxuuna markii uu Muqdisho kusoo noqday qaabilay waalidiinta ilmahaas isagoo u ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dalkooda loogu soo celin doono

Leave a Reply