Somalia oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee la,dagaalanka Argagixisada

5- August-2023- Muqdisho”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar gelineysa dagaalka ka dhanka Khawaarijta ah ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalkaas waxay qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafaya 10-kun oo askari, kuwaas oo isbeddel cusub dhaliyay, neecowda iyo nabadda ay dugsinayaan shacabka Soomaaliyeedna maanta Alle ka sokow igu sabab u ah.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay ujeedka qorista ciidankan cusub, diyaargarowga wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo kaalinta saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka argagixisada lagu ciribtirayo

“Tan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askari” ayuu yiri Wasiir Daa’ud Aweys.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu mahad ballaaran u jeedineyso shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bilwodeen howlgalladan sanadkii hore kaalin wax ku ool ah ka qaatay, walina hiil iyo hoo la garab taagan ciidamada xoogga Dalka oo iyagu ku dhiiraday in ay Khawaarijta awooddoodii deegaan iyo midkoodii Militari wiiqaan, wuxuuna wasiirki, si gaar ah u xusay kaalinta ciidanka mucaawisleydu ay ka geysteen guushii laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta.

Culumada Soomaaliyeed ayuu xusay in ay horay u sheegeen sax ahaan-shaha in Dalka laga suuliyo Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

” Waxaa dagaalka argagixisada naga taageeraya saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska ah, si gaar ah haddaan u xusno wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waa iyaguna kaalin ka geysanaya dalalka deriska ama safka hore la yiraahdo sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti,” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in dowladdiisu mudnaanta koowaad siineysa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Khawaarijta oo Shacabka Soomaaliyeed u diiday nabadda iyo horumarka adduunka intiisa kale ka socda, waxaana hadda muuqata inuu gabalkooda sii dhacayo Khawaarijta.

犀利士 content/uploads/2023/03/image-36.png” alt=”” class=”wp-image-87938″/>