3″ November” 2022″ Muqdisho
Somalia oo soo dhaweeysay jawabta dalalka dariska ay ka bixiyeen dhacadadii Zope 2
Djibouti ,Ethiopia Iyo Kenya gurmad caafimaad iyo dhaqaatiir kaga qaybgalaya daaweeynta dadkii ku dhaawacmay qaraxii ay ku dhinteen 100 ka qof ee sabtidii ka dhacay muqdisho
Dowladda Kenya ayaa ka mid noqotey Dowladaha ka qeyb qaatey Gurmadka masiibadii ka dhalatey Qaraxyadii Al-shabaab ay ka geysteen Isgoyska soobe ee magaalada Muqdisho 29-kii October iyagoona keeney diyaarad sidey cuntooyin nafaqo ah oo isugu jiro noocya kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Madax kale oo Dowladda Soomaaliya katirsan ayaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddi hordhac u h dhaqaatiir u dhalatey Dalka Itoobiya oo ka qeyb qaadan doono daaweynta dhaawacyada isagoona kala wareegey Dawo qeyb ka ah gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii ee 29-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale laga filayaa dhaqaatiir kale iadoo maanta ay Soomaaliya soo gaareen Dawo iyo guddiga hordhac u ah khubarada ay soo diridoonaan dhanka qaliinada ah ee ay uga talagashey in ay kaga qeyb qaadato Gurmadka iyo Daweeynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii isxigxigey ee Argagixisada ka geysteen Isgoyska Zoobe 29-kii October.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey dhaqaatiirta taqasus u leh Kiisaska halista ah in loosoo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan gurmadka Caafimaad ee dhaacyadii Zoobe taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda aan dariska犀利士 nahay ee Itoobiya oo Dawo iyo dhaqaatiir qeyb ka ah gurmadka dhaawacyadii Zoobe usoo dirtey Soomaaliya kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliinka Dadka gubtey iyo Kiisaska adag ee aan dalka waxba looga qaban karin iyo dhaawacyada u baahan qaliimada wajiga
Deeq Daawo Ah Iyo Dhaqaatiir Caafimaad Oo Maanta Soo Gaaray Muqdisho
Dowladda Jabuuti ayaa Maanta oo khamiis ah gurmad daawooyin ah soo gaarsiisay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo lagu tala-galay in lagula tacaalo xaaladda Caafimaad ee dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Diyaarad sidday Deeq daawo ah iyo dhaqaatiir ka socotay Jabuuti ayaa kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana Garoonka dhaqaatiirta kusoo dhaweeyay Guddiga Gurmadka qaraxii 29-October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliy.
Wafdiga ka socday Jabuuti ee gurmadka soo gaarsiiyey dowladda Federaalka ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Waxbarashada ahna sii- Hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyadda Djibouti Mustafa Maxamed Maxamuud.
Guddiga Gurmadka qaraxii 29-October ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyey taageerada iyo Deeqda ay keentay Muqdisho, si loogu daaweeyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Soobe2, kuwaasi oo xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo.
Shalay ayey aheyd markii dowladda Turkiga ay Muqdisho ka qaatay 4 qof oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmyada qaraxyadii 29-kii October 2022, waxaana dadkaas oo xaaladdooda halis aheyd lagu qaaday diyaarad Caafimaad oo Turkiga soo diray.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo 5 Neef Geela iyo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda maareynta Masiibooyinka
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley ayaa maanta ku wareejiyey $5500 oo dollar iyo 5 neef oo geel ah Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed, si ay qeyb uga noqoto gurmadka looga jawaabayo saameynta qaraxyadii Zoobe2.
Deeqdan oo ay iska-aruuriyeen maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa loogu talo galay in garab istaag loogu muujiyo ciidanka Xooga dalka iyo dadka Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta iyo dadkii waxyeelada kasoo gaartey qaraxyadii Zoobe2.