Somalia oo Uganda u gudbisay dalab muhiim u ah Soomaalida kuna dhibanayeen

Kampala”23″Aug”2024″ Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay wax uga qabaneyso dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas iyo sidoo kale caqabadaha ay la kulmaan kuwa u safraya.

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool .

Xariga ayuu sheegay sii hayaha in lagu sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale.

Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Sii-hayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isu socodka dadka labada dal.

Ugu dambeyntii sii-haye Cabdiladiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taas oo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal.

Sidoo kalena wuxuu sii-hayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DFS ay qaban-qaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda Soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga Bariga Afrika ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.