Somalia oo Washington uga qeybgashay Shir looga hadlayay la dagaallanka argagixisada

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa guddoomiyay Shirka Wasiirrada Isbahaysiga Caalamiga ah ee la-dagaalanka ISIS oo ka dhacay magaalada Washington DC.

Shirka oo uu Soomaaliya uga ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda mudane Cali Cumar ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa argagixisada ay kow ka tahay kooxda ISIS

isbahaysigan oo ka kooban 87 waddan ay la sheegay inay isku raaceen in la sii xoojiyo hawlaha caalamiga ah ee ka hortagga argagixisada.