Somalia Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dhimashada 100- kamid ah argagixisada shabaab

4″ November “2022” SONNA

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdilaahi Cali Caanood ayaa xaqiijiyay In dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe lagu dilay in ka badan 100 ruux oo kamid ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab.

Afhayeenka oo maanta la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaaladii labadii cisho ee u dambeysay ka dhacay deegaanada Xawaala Xuseen ,Ceel Hareeri iyo Garas Magan lagu dilay boqol maleeshiyaad ah

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdulaahi Cali Caanood ,ayaa sidoo kale caddeeyay  in ciidanka dowladda ee ku sugan Deegaanka Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeelaha dhexe ay aroornimadii saaka gubeen gaari Layla calaawi ah oo kooxda khawaarijta  Al-sh baab ay ka soo buuxiyeen Qaraxyo,iyagoo doonayaya in ay la beegsadaan mid ka mid ah fadhiisimaha Ciidanka ee  Degaankaas.

Howlgalkaasi oo ay ka qeybgaleen Ciidanka dowladda iyo Ciidanka Degaanka ayaa warku intaa ku darayaa in ay barbar socdeen duqeeyn dhanka Cirka ah oo lala beegsaday kooxaha nabad-diidka ah.

Leave a Reply