3,December, 2020 Hargeysa “
Somaliland ayaa kasoo horjeesatay magacaabista Danjire Yuusuf Garaad Cumar oo Shalay maadxweyne farmaajo u Magacaabay in uu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Somaliland ayaa sheegtay in Magacaabista Yuusuf garaad ay tahay dagaal siyaasadeed oo Madaxweyne farmaajo uu ku haayo Somaliland, waxaana Somaliland ay ku war-galisay Beesha caalamka in arintaani ay tahay faragalin Qawaan oo Somaliland lagu hayo.

Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.
Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah.
Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.
Ducada Aammiin.
Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn ama ka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.
